cadaalad
Gudoomiyaha maxakamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuure oo maanta shir Jaraa”id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kajawaabay hadal dhawaan kaso yeeray Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Tarsan.
Gudoomiyaha maxakamada gobolka Banaadir ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawaan uu sheegay gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo caddaymo lagu soo bandhigay Bogga Amiin caamir kaasi oo ahaa in maxkamada gobolka marxuum la dilay ay diyadiisa u xukmisay labo milyan oo shilinka Soomaaliga ah, waxa uuna xusay gudoomiyaha maxkamada in ay jirto lacagta labada milyan ah balse waxa uu ku sheegay in ay aheyd wax uu ku sheegay tacsiir, isagoona tilmaaamay in marxuumkii dilka loo geystay sida shareecada Islaamka ay qabto oo diyada qofka raga loo xukmiyo ay u xukmiyeen.
Hoos Kadhagayso shirka Jaraa”id ee Gudoomiyaha Vs Ehelada Marxuumka
Dhagayso Codka gudoomiyaha Maxkmada gobalka Banaadir by Saadaal
Sidoo hale Halkaan Guji oo Jawaabta Shirkii jaraa`id ee Ehelada marxuumka Dhintay
Bal Link Gaan Guji oo Sida Amiin Arts U Cabiray Dhacdadaan Foosha Xun Akhri+Sawirro
Ujeedo: Codsi gargaar caddaalad horkeenid gacan-ku-dhiigle Mahad Cabdi Adan
Ku: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
Ku: Guddoomiyaha Maxakamadda Sare
Ku: Guddoomiyaha Maxakamdda Racfaanka
Ku: Guddiga Caddaaladda Qaranka
Ku: Gddoomiyaha Gobalka Benadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho
Mudane,
Xog-siin:
- Taariikhdu markii ay ahayd October 16, 2012 Saacadduna 11:00 subaxnimo, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay wiil aan adeer u ahay: Siyaad Xuseen Sheekh Xassan
- Marxuumka waxaa si bareer ah u dilay gacan-ku-dhiigle Mahad Cabdi Adan oo iminka ku xiran xabsiga ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho.
- Sida aad ka arki doonto lifaaqa bandhigga caddaynta (B) ee galka dacwaddan gacan-ku-dhiiglaha xabsiga ayaa lagala baxay waxaana la geeyey Maxakamad been ah oo uu joogo Garsoore Dr. Xaashi Cilmi Nuur oo ay isku hayb yihiin gacan ku dhiiglaha kaasoo ku riday xukun ah lix (6) bilood oo xabsi ah iyo lacag lagu tilmaamay ganaax oo dhan boqol iyo labaatan doolar $120 kadib markii uu cuskaday qodobo been ah oo tilmaamaya in eedaysanuhu si kama ah ku dilay qof aan la aqoonin. Xukunkan beenta ah xitaa laguma xusin magaca marxuumkii la dilay oo buuxa, sidoo kale laguma xusin goob joogna kama aanay ahayn qoyskii marxuumka oo iyagu habeen iyo maalinba taagnaa Maxakamdda Gobalka Benadir. Arrinkan sidaas u foosha xun waxaa ka soo shaqeeyey Bashiir Yusuf Cusmaan – Mulkiilaha Peace Hotel oo adeer u ah eedaysanaha isla markaana sidii aan kor ku soo xusay si toos ah ugu lug lahaa shirqooka lagu dilay wiilkeeni, sida aad ka arki doonto lifaaqa (A) ee galka dacwaddan.
Codsi:
- Adiga oo isticmaalaya xafiiska adeegga bulsho ee laguu igmaday iyo awoodda uu sharcigu ku siinayo
- Anigoo ku xasuusisanyo cawaaqib xumada sharci la’aantu Soomali ay baddey 22-dii sano ee la soo dhaafey
- Anigoo ixtiraamayo hanaanka sharci iyo dowladnimo iyo side caddaaladdu u tahay muqaddas,
Waxaan kaa codsanayaa inaad si Soomaalinimo iyo Muslimo ah gacan noogu siiso oo aad caddaaladda horkeento gacan-ku-dhiigle dhagar qabe Mahad Cabdi Adan si loogu qaado dacwad ku aaddan denbigii dilka ula kaca ahaa ee uu galay, looguna fuliyo xukun waafaqsan sida uu qabo xeerka iyo sharciga Islaamka iyo sharciyada waddanka. Waxaan sidoo kale kaa codsanayaa inaad Mulkiilaha “Peace Hotel” dhagar qabe Bashiir Yusuf Cusmaan oo isagu shirqoolka lagu dilay Siyaad ka danbeeyey sida aad ka arki doonto caddaymo qoraal ah iyo kuwa markhaati ah oo ku lifaaqan galka dacwadan ku qaaddo dacwad waafaqsan eedda uu galay iyo shirqoolkii lagu dilay Siyaad ee uu isagu soo maleegay.
Codsigan oo bulshada guud ee Soomaaliyeed loo soo bandhigi doono ayaan waxaan si gaar ah kuugu soo diray, angioo ku soo aaddiyey xafiiskaaga waxaana rajaynayaa inaad ka qaadi doonto tilaabada uu mudanyahay. Waxaan ogahay inaad xog ogaal u tahay dabeecadda caddaaladda darrada la deriska ah ee ay keentay dawlad la’aanta ee waayadan danbe ka hirgashay geyiga Soomaaliyeed, taasoo sahlaysa in gacan-ku-dhiigle fakado. Taasina si toos ah ayaa la isu dayey kadib markii kuwa dulaalo ka ah qoyska gacan-ku-dhiiglaha ka socda oo uu soo abaabulay isla ninkii shirqoolka ka danbeeyey waa Bashiir Yusuf Cusmaan oo ah mulkiilaha Peace Hotels ay isla toddobaadkii Siyaad la dilayba ina weydiistaan in aan ka qaadano waxay ugu yeereen mag. Soo-jeedintani waxay xaggeena uga dhigan tahay dulmi iyo denbi labaad oo la isku dayey in nalaga galo si dheeri ah.
Mudane:
Go’aankeenu wuxuu yahay:
- Lacag iyo xoolo dhiig/mag in aanay marnaba horseedaynin caddaalad, oo aanay marnaba baajinayn dhiigga ummadda muslimiinta ah iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maalin kasta qubanaya.
- Qoyskayaguna horseed uma noqon doono inuu dulmi u hoggaansamo.
Sidaas awgeed, waxaan si sharaf iyo ixtiraam leh kaaga codsanayaa inaad muwaadiniinta Soomaaliyeed caddaalad ugu hiiliso oo aad hawshan taagan wax ka qabato.
Waxaan Alle dartii iyo Masuul Soomaaliyeed ahaan kaaga codsanaynaa inaad caddaaladda horkeento oo aad xaqiijiso in xaqii uu galay laga oofiyo gacan ku dhiigle Mahad Cabdi Adan oo ku xiran Xabisga Ciidamada Ammaanka ee magaalada Muqdisho, kaasoo si bareer iyo ula kac ah u dilay Marxuum Siyaad Xuseen Sheekh Xassan taariikhdu markay ahayd October 16, 2012 @ 11:00 subaxnimo.
Mahadsanid,
-
Cabdikhayr Sheekh Xassan Soofe
-
Maxamud Sheekh Xassan Soofe
-
Maxamed Xuseen Sheekh Xassan
Waxaan idiin haynaa cadeeymo ku saabsan heerarkii kala duwanaa ee dacwadaasi soo martey oo ah waraaqo maxkamadeed oo ilaa 3 gaaraya,,Cadaalad la`aani waa caaqiido la`aan..
Saadaal Media Waxay warqad kasta ka xaqiijisay xafiiska ay kasoo baxday,dhawaana fillo wareysiyo ku saabsan arrimahaan.
Sawirada hoose midkasta dushiisa Guji si aad u weynaysato:
Warqadii Istibitaalka