Dhagayso:- Madaxwaynihi Hore ee Puntland Cadde Muuse oo Shir Jaraa’id oo Xasaasi ah Qardho ku qabtay

29.05.2013 14:48

Dhagayso;-Sawiro;-Video:- Kulan lagu Taageerayay Axmed Madobe oo Nairobi ka dhacay, iyo Faroole oo ka qayb galay.02/06/2013

Dhagayso;-Sawiro;-Video:- Kulan lagu Taageerayay Axmed Madobe oo Nairobi ka dhacay, iyo Faroole oo ka qayb galay.02/06/2013

Waxaa ka dhacay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Munasibad balaaran oo lagu taageerayay Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe, waxaana kasoo qayb galay Madax uu kamid yahay Madaxwaynaha Maamul goboleedka Puntland C/rixmaan Sheekh maxamed Faroole.

C/sataar Xasan Cali oo kamid ah Safaarada Somalida ee dalkaasi Kenya ayaa u sheegay Saadaal Media halkaasi inay ka hadashay Madax badan, isagoona geesta kale xusay Faroole inuu munaasibada ka sheegay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud dhawaan marka uu soo gaaro Nairobi inuu kala hadli doono arinta Jubbaland iyo sidii lagu taageri lahaa Maamulka Axmed Madoobe.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Punt-land C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa sheegay in uu madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan looga hadlayo arrimaha dastuurka iyo xal u helista arrimaha Jubbooyinka maalinta Arbacada kula qaadan doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Faroole, oo galabta la hadlay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya, ayaa sheegay in uu madaxweynaha ku boorin doono in aan la gacmagacmeyn dastuurka ummadda Soomaaliyeed u dagsan ee lagu soo doortay dowladda haatan dhisan.

Madaxweyne Faroole, waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay aqoonsato maamulka Jubba-land ee uu madaxweynaha u yahay Axmed Madoobe, oo uu Faroole sheegay in ay soo doorteen dadka gobolada Jubbooyinka.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa dhinaca kale si weyn ugu ammaanay jaaliyadda Punt-land ee ku nool Kenya kaalinta ay ka qaateen horumarka weyn ee ka socda deegaanada Punt-land, wuxuuna ka codsaday in aysan ka daalin wax u qabashada dadkooda.

Faroole ayaa kamid ah Siyaasiyiinta sida wayn u taageersan Maamulka Axmed Madoobe waxaana uu marar badan oo uu hadlay sheegay maamulka Jubbaland ee Hogaamiyo Axmed Madoobe inuu yahay mid ku dhisan habsharciga waafaqsan, isagoona geesta kale ku dhaliilay Madaxda dowladda Federaalka inay isbadal ku sameeyeen Dastuurkii Soomaaliya.

RIIX HALKAAN KA DHAGEYSO AMA KU DHAGAYSO MOBILE

3779 4702 5604 6454 7370 9258 10235 11487 11488

 

Madaxweynihii Hore Maamulka Puntland General Cadde Muuse Xirsi oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Qardho Ayaa sheegay in Puntland Aysan xiliagan kajirin wax layiraahdo Dumuqraadiyad Iyo Ururo Siyaasadeed isagoo kadigay In shacabka Xoog lo adeegsado

General Waxaa u sheegay In uu Puntland ku sugnaa 5 Bilood ee lasoo dhaafay isagoo sheegay Inuu Nabad Raadinayo isla markaasna u markan hadlayo kana shaqaynayo Nabad waxa kale uu Cadde sheegay In usan Rabin in Puntland Qalalaaso ay kadhcado

Waxa uu sheegay Cadde Muuse inay dhaceen waxa ay Kadigayaan Taas Oo ah inay Gadooden ciidamadii Daraawisha Maamulka Puntland kuwaas Oo lawaregay shalay saacado Kooban Dakeda weyn ee Magaalada Boosaaso iyo xarumo kale Oo Bangiga uu kamid yahay waxaa una sheegay in Taas mar la arkaba ay kadigayeen

Gen cade Muuse madaxweynihii Hore Puntland ayaa sheegay in kulamo u la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka Isla markaasna u kala hadlay in Puntland hada aysan kadhicin Rabsho iyo Qalaalaaso Hor leh waxa una shegay in Puntland lo Bahaanyahay in la bad baadiyo waxa kale u ka hadlay waxyaabo badan Oo Muhiim ah sido kale Baaq ayaa lagasoo saaray Xaalada Puntland hada ay marayso.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Cadde Muuse ayaa la doortay Bishii Janaayo 8 2005 kadib Doorasho ka dhacday Magaalada Garowe oo iskugu soo hareen Wareegii Sadexaad Jeneral Cadde Muuse, iyo Maxamed Cabdi Xaashi.

HALKAAN KA DHAGEYSO AMA KU DHAGAYSO MOBILE

ing.mohamed ib . Afgaay

info@wadaninews.net

www.wadaninews.net