faaraxa

16.06.2013 22:05

Hadal haynta Qaranka iyo Qabyaaladda.

ayaan idinku shaa fidoonaa warbahinta wadaninews.net

Asc? inbadan waxaan maqalnaa erayo uwanaagsan dhagaha, laakiin intabadan aan dhaafsiis nayn Afka baarkiisa, kuwaas oo ah Qarannimada Soomaaliyeed halagu dadaalo, Qabyaaladda halayska daayo, halka kuwo kalena leeyihiin, hebal waa Qabyaaladayste kankale wuxuu wataa Jifadiisa iyo erayo kale.

Horta malays waydiiyay sababaha korinaya Qabyaaladda iyo sida looga sabata bixikaro.

Inta aanan ugudbin qormadayda aan farta ku fiiqo waxyaalo ama arimo dadka qaar isaga qaldan, oo aysan kala saarin inbadan.

Sida Qaranka iyo Qabyaaladda ama Qabiilka iyo Qabyaaladda, Qabyaaladu waa sun kadaran cudurada aan daawada lahayn, waana tan ay ummadda soomaaliyeed sababteeda u silicsantahay, waxaan maqlaa dad dhahaya qarankii ayaa qabyaalad lagu dabakhayaa, mana ahan labo isqaadankara.

Qabiilku waa midka aan isku aqoonsano Diinta Islaamka ayaana qeexday, qabyaaladuse waa inaad wax dadku wada leeyahay aad qofkuxiga siisid ama u badisid, inaad dadka iska horkeedid adiga oo qabiil isticmaalaya, inaad qolo kucaydid ama ugu faantid amaba ku yastid adiga oo isu arka inaad ka qabiil fiicantahay iyo wax lamida oo ay ku fakaraan dadka ay dilootay qabyaaladdu.

 

Hadaba ma ahan Qabyaalad inaay Dadka kuu xiga Qabiil ahaan ay kula socdaan ama aywax kula qabtaan, amaba inaad dadkaaga ama deegaankaaga wax u qabatid sida dadka qaar ay u dhigaan. Waxaan arkay Dad dhahaya hebel wuxuu sheeganayaa madax Qaran, wuxuu lajoogay dhowr nin oo Jufadiisa ah, wuxuu wax uqabtay Tuulada ay dagaan Qabiilkiisu, aniga oo aan difaacayn hadii uu galay dambi Qabyaaladeed ruuxaasi, ayaan u arkaa inaysan taasi ahayn markhaati ku filan eedaynta loo soo jeediyay ninkaas. Kuwo kale waxay dhahaan, war Madaxda maamulka yaan ku leenahay? Jawaabtu haday noqoto maya, waa inaan diidnaa sababta oo ah looma dhamma ayaa kadambaysa.

Aan ka eegno Qofka aan eedaynayno ama waxa aan diidayno maxaa cadayn Qabyaaladeed ah oo kamuuqda, ama eex, calaalad daro, haba ahaadeen dadkaasi group isku Jifa ah oo soocane, wadamadda shisheeye ee aan kunoolnahay, waxaa doorasho loogalaa Golayaasha Baarlamaanka kuwa degmooyinka ama wax lamida, waxaa dhacda inay Dagmo dhan ay ku soo wada baxaan Dad isxiga Jifo ahaan, mana dhacdo in layiraahdo loomadhama, waa Qabyaalad ama waan qaadacnay. Tusaalahaan kama wado doorasho ayaa ladiiday, laakiin dad isku dhow waa noqon karaan wadayaasha hal arin, sidaas darted aan kala saarno magacyada loogu yeerayo Qaran iyo Qabyaalad ama Qabiil iyo Qabyaalad, qofkii galay dambiga qabyaaladuse waa meeshiisa. Ha u fiirin qabiilkiisa uu lasocdo ee ka eeg dhanka kale oo ma sameeyay qabyaalad, cadaaladdada se wax ma u dhimay qofkaasi?

Awaan C/laahi Suldaan Timacadde, wuxuu ahaa Wadani ay aad uwada xusuustaan ummadda Soomaaliyeed, asaga oo ka hadlaya Qabyaaladda 50 sano kahor wuu yiri.

Dariiq toosan Soomaaliyeey waa lagaa dadaye,

Dadkaan lahadlayaabaan lahayn dux iyo iimaane,

Ani unbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane,

Dugsimale qabyaaladi waxay dumoiso mooyaane.

 

Side looga sabata bixi karaa?

 

Arintaani waxay u baahantahay wakhti dheer iyo dadaal badan, sababaha aan isleeyahay waa looga bixikarana waxay salka ku hayaan gundhigna u ah cadaalladda, hadii lawaayana maba suurtoobi karto in laga baxo maliilnimada haysata Dadkeena iyo Dalkeena. Waxaan isleeyahay waxaa looga bixikaraa in qof walbaa uu maro ama kusocdo jaranjartaan aan soo wado ee kakooban 10 ka qodob, uuna midba mar kor istaagaa, ,

1) waa in qof walbaa uu ka bilaabo naftiisa oo uu ku laylyo kuna xakameeyo inay u hogaansanto cadaaladda Diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo walaaltinimadda.

2) kadina uu ku xijiyaa reerkiisa ama faamilkiisa oo uu isla sidaas uu usameeyaa. 3) Jufadiisa, 4) Qabiilkiisa ama Dagmadiisa. 5) Gobolkiisa ama Goboladiisa, 6) Dowladda aan wadaleenahay ee Soomaaliyeed. Hadii uu ku noolyahay qurbaha (wadanka dibaddiisa) 7) Bulshada uu lanoolyahay. 8) Dowladda uu Dalkeeda ku noonyahay. 9) Qaaradda uu ku noolyahay. 10) Ugu dambayn Dunida aan ku wada noolnahay.

Markaas waxaa lahelayaa, Busha caafimaad qabta, Dowlad cadaalad ah, Dad is ogol, Deegaan barwaaqaa, Darajooyin xagga RABBI ah, Dadnimaddii luntay oo soo noqota,

Qore: Cabdiweli Afjabey Faarax (Xalleef)

E-mail, awaf04@gmail.com

www.wadaninews.net

info@wadaninews.net