3 Qof oo ku Dhaawacantay Is-rasaaseyn ka Dhacday Magaalada Kismaayo;-20/06/2013

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo xalay ku dhex martay ciidamo beeleedyada ku wada sugan Kismaayo.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay saraakiisha ciidamada ku sugan Kismaayo oo ku aadan iska hor imaadka khasaaraha ka dhashay.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa in dhowaaleba sii xumaanayay, iyadoo Talaadadii halkaas lagu dhaawacay Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) oo ka mid ah saraakiisha Raaskambooniyiinta oo haatan dhaawaciisa lagula tacaalayo isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kala Soco Warar Sugan.;-

Email; info@wadaninews.net

www.wadaninews.net