Afhayeen Jawaari oo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ku Casuumay Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya (Maxay Tahay Sababta);-23/06/2013

Wafdi ka socda Baarlamaanka Puntland oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golahaasi C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa ka qeybgalaya xiritaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo soo xirmaya 30-ka bishan June 2013-ka ka dib casuumaad la sheegay inay ka heleen guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa shalay golaha wakiilada Puntland u soo bandhigay casuumaadda oo uu sheegay inay ka heleen Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana codsaday golaha inay Mandate u siiyaan isaga iyo wafdigiisa inay shirkaasi si buuxda uga qeybgalaan kana jeediyaan mowwqifka Puntland ee ku aadan qodobo uu sheegay in dastuurka Soomaaliya laga badelay qodobaasi oo ku saabsan Federaalka iyo arrimaha Federalism-ka.

“Waxaan casuumaad ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku codsaday in arragtida Puntland ka qabto System-ka federalismka iyo dastuurka Kalfadhiga Baarlamanka oo xirmaya bishan 30-keeda, kalmad aan ka jeedino” ayuu yiri C/rashiid Maxamed Xirsi Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, waxaana in taasi ka dib golaha wakiilada uu cod buuxa ku siiyey Guddoonka iyo wafdigiisa inay ka qeybgalaan kalfadhigaasi kuna matalaan siyaasadda Puntland ee ku aadan Federaalka iyo dastuurka la sheegay in wax laga badelay oo ay Puntland si weyn uga soo horjeedo.

www.wadaninews.net

Email: info@wadaninews.net