Aqoon Yahan Caan Ah Oo Isu Soo Sharaxay Madaxweyninimada Koonfur Galbeed Soomaaliya September 26, 2013

Cabdullahi Mad Idriss oo loo yaqaano Leesto ahna Aqoonyahan wax badan oo muuqda usoo qabtey dadka deegaanda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isu soo saharaxay xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Cabdullahi Mad Idriss oo kamid ah Musharaxa Labaad ee isu soo sharaxay Xilka Madaxtinimada Dowlada dhisitaankeeda loo fadhiyo Baydhabo ayaa wuxuu sheegey in waxyaabo badan oo aan halkaan uusan diyaar u aheyn inuu ku sheeg sheego ay u diyaarsan yihiin oo uu rabo inuu dadkiisa kusoo kordhiyo.

 
Leesto waa Qof ceenkee ah.
 
Leesto waa Qof wadani ah oo taariikhda baal dahab ah kaga jiro gaar ahaan wuxuu abaal aan la ilaabi karin ugalay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya laga soo Bilaabo sanadkii Murugada iyo Taariikda aan la ilaabi karin ku reebey dadka Koonfur Galbeed sanadkii 1992/dii ilaa maanta.
 
 waa Qofkii Gurigiisa asagoo Raashiin & wax maal aduunyo aan ka maqneyn uu dalka kusoo laabtay si uu dadkiisa u badbaadiyo kii Biyo uhelikara Biyo usiiyo, kii uu duugi karana uu duugi xiligaasoo dadka maalintii Baydhabo ku dhiman jirtey 900 Maalin kasta waa Abaartii Gacan ku sameyska aheyd xiligaasi.
 
Leesto waa ninkii intuu warbaahinta Caalamka usoo wadey Gobolka baay uu utabinaayey xaqiiqdii jirtey markaasi taasoo ay dhacdey in markiid ambe uu Madaxweyne Bush/kii ugu sareeyey Madaxda Aduunka inta uu kasoo seexan waayey warbixinadaasi ay dhacdey inuu Baydhabo Orod kusoo gaaro LEESTO sidiisaba waa BAD BAADIYE Ilaaheyaa Wax Bad Baadiyee waxana laga yaabaa inuu hada ka bad baadiyo dadka Deegaanadaan waxyaabo badan hadii ay doortaan.