Ban Ki Moon oo canbaarayay weerarkii UNDP;-20/06/2013

Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Ban Ki Moon ayaa maanta taleefoonka kula soo xiriiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, isagoona uga mahadceliyay Madaxwaynaha Soomaaliya sida uu u muujiyay dareenkiisa, ugana tacsiyeeyay weerarkii fulaynimo ee lagu qaaday shaley Xarunta qaramada midoobay ee Muqdisho, wuxuuna Mr Ban Ki Moon ku biiriyay codkiisa tacsida loo dirayo dadkii eheladooda ku waayay Weerarkii maanta lala beegsaday Xarunta UNDP ee Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay intii uu la hadlayay Madaxwaynaha Soomaaliya waxa uu u muujiyay dareenkiisa ku aadan sida uu ugu xun yahay weerarkii waxushnimadda ahaa ee barqanimaddii Maanta ka dhacay Muqdisho. Wuxuuna Madaxwaynaha Soomaaliya ka codsaday in Dawladdu ay xaqiijiso in la sugo ammaanka Shaqaalaha Qaramadda Midoobay. Isla markaana arrintaasi ay Dawladda Soomaaliya iskaashi kala sameyso AMISOM iyo Ergaygiisa Soomaaliya.
 
Ugu dambayntii Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Mr Ban Ki Moon waxa uu ballan qaaday in aysan waxba iska badali doonin hawshi ay Qaramadda Midoobay ka haysay Soomaaliya.