Toronto: Booliiska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Soomaalida ku nool magaaladaas ayagoona jirdil ugu geeystay ayeeyo Soomaaliyeed oo 96 sano jir ah.
Weerarkaan oo sida la filaayo salka ku haayo dagaal u dhexeeya duqa magaalada Toronto ninka lagu magacaabo Rob Ford iyo Soomaalida ka ganacsata daroogada ee dalkaas Canada, ayaa weerarkaan booliiska waxaa uu ku yimid amar uu bixiyey duqa magaalada Toronto, iyadoona xilli habeenimo ah oo saq dhexe ah loogu dhacay guryaha ay Soomaalidu ka degan tahay magaalada Toronto ee xaafada Dixon weerarkaan iyo howlgalkaan oo ahaa mid ay booliisku adeegsadeen xoog ayaa waxay ku jajabinayeen oo ayna cagta mariyeen guryaha Soomaalida iyadoona ay halkaas ku qabteen ilaa iyo 44 qofood oo Soomaali ah oo ku eedeysan inay ku lug lahaayeen burcadnimo iyo ka ganacasiga daroogada iyo daroogo gaareysa ilaa iyo 175 gm, 42 bistooladood, iyo lacag kaash ah oo dhan ilaa iyo 570,000 oo doolar, Booliiska oo inta ay wadeen howlgaladaas si arxan daro ah ay u dhaqmayeen ayaa arinta ugu yaabka badan waxay ahayd ka dib markii ay islaan weyn oo ayeeyo ah oo 96 sano jir ah ay isku jeebeeyeen islamarkaana ay jirdileen, Islaantaan ayeeyada ah oo ka codsatey askariga booliiska inuu u qabto marada oo ka dhacday ayuu askarigaas ugu jawaabay ayeeyadaas hadalo aan wanaagsanayn, Sidoo kale ayaa hooyo Saciido Xirsi oo ah 64 sano jir waxay sheegtay in mid ka mid ah askartaasi uu wajiga ka haraantiyey.
Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalida ku nool magaalada Toronto ay cabasho weyn ka muujiyeen sida ay booliisku ula dhaqmeen islamarkaana ay sheegeen inay dacwad ka gudbin doonaan booliiska ay ka qeybqaatay howlgaladaas lagu waxyeeleeyey Soomaalida ayaan la ogeyn arintaas inay wax soo kordhin doonto, Duqa magaalada Toronto Rob Ford oo ka hadladay arintaas ayaa asaga ku gaabsaday inay howshaan ahayd mid booliiska quseyso, iyadoona af hayeen u hadlay booliisku uu difaacay duqa magaalada uuna ku sheegay inuu qorshahaan ahaa mid horey ;oo sii shaaciyey inta aysan soo bixin eedeymaha Soomaalida ee ku aadanaa duqa magaalada Toronto, Laakiin waxaa jira shaki weyn oo ku saabsan inuu duqa magaalada uu daba joogo arin fadeexo ah oo ay sheegeen dhawaantaan qaar ka mid ah Soomaalida ka ganacsato daroogada taas oo ahayd inay hayaan cadeyn film ah oo muujinaysa duqa magaalada Toronto oo isticmaalaaya daroogada Cocaine.