Caawo oo la soo shir tageyso Arsenel Ozil cayaarteyda ugu horeysa championka 19,09,2013

Caawo oo la soo shir tageyso Arsenel  Ozil  cayaarteyda ugu horeysa championka 19,09,2013

Group F waa mid loo arko guruubka dhimashada ama qeybta ugu adag marka loo fiiriyo kooxaha ku jira ee ku loolami doona sanadkan Champions League. Kooxaha Arsenal, Dortmund, Napoli iyo Marseille ayaa ku jira qeybtan, waxeyna dhammaantood ka mid yihiin kooxaha ugu adag qaaradda Yurub. Kooxda Arsenal oo tartankan ciyaareysa markii 16-aad oo isku xigta ayaa dooneysa inay wareegga koowaad ka gudubto markii 14-aad oo isku xigta, waxeyna caawa u safri doontaa kooxda reer France ee Marseille.

Arsenal oo qarash badan ugu yimid laacibkii hore ugu cayaari jirey Realmadrid OZIL kaas u cayaarey  kulumo ka mid ah horyaalka cup ligga uuna u horeysay  guul waxaa kaloo jirta inuunka maqnaan doona kulanka caawo cayaaryahanka magaciisa la yiraahdo Santi Cazorla oo ku dhawaad bil garoomada ka maqnaan doona  waxaa kaloo jirtaa kooxda marsille oo jaceyl inay dib u soo cashato guushii ay gaartey laba sano ka hor guruub ay kula jireen Arsenal iyo Dortmund oo ay u suurta gashay inay kasoo baxdo Kulanka adag ee qeybtan ka tirsan caawa wuxuu magaalada Naples ee dalka Taliyaaniga ku dhex mari doonaa kooxaha Napoli iyo Dortmund. Kooxda reer Taliyaani ayaa wadata macallin caan ku ah tartankan, Rafa Benitez, waxeyna ku raaxeysaneysaa guulo ay ku billowday horyaalka Taliyaaniga oo ay 9 dhibic ku hogaamineyso 3 kulan oo la ciyaaray.dhanca kale kooxda DORTMOUND  oo ah koox adag oo sanadkii hore soo istaagtey finilka ayaa jaceyl inay dib u soo cashato guushaas ay gaartey sanadkii hore Kooxda Kolpp uu leyliyo ayaa dhanka horyaalka Jarmalka guulo ku billowday xilli-ciyaareedkan, iyadoo wada badisay 5-tii kulan ay ka ciyaartay xilligan kuna keliyowday hoggaanka horyaalka. ayaa waxaa u muuqato inay caawo isk aclin doonta kooxda nopali oo iyadana 

aan ka liidan oo hagaanka u hayso horyaalka Talyaaniga Labada koox waxey maanka ku haayaan inay ku jiraan qeyb adag oo noqon karta qeybta ugu adag 8-da qeyb ee wareeggan, waxeyna ku dedaalayaan inay guul ku billaabaan tartanka taas oo xiiso u yeeleysa kulanka caawa.