Dhowr iyo labaatameeyo sano ayaan ku jiray dhibaato ilaah mahadiis Dowlad dhexe ayaa noo dhalatay, waxaa lagaaray xiligii cadaalada iyo xalaasha, lakiin farxadeenii dib ayay ulaabatay sababtoo ah waxaa meesha ka maqan waa Xukun Cadaalad leh.
Dhacdadii Naxdinta lahayd ee ka dhacday Hoteelka Nabada (peace Hotel) October 16,2012, 11:00 am, ayaa waxaa lagu Dilay Marxuun Siyaad Xuseen Sheekh, allaha u naxariistee, waxaana si bareer iyo ula kac u dilay dhagarqabe Gacan ku dhiigle Mahad Cabdi Adan.
Dadka Muqdisho degan way kawada naxeen , lakiin qof walbo waxaa uu ku qancsanaa in cadaalada la hor keeni doono Dhagar qabaha Dilka geestay, waxaa la horgeeyay Maxkamada Gobolka Banaadir, Garsooraha waa Ruux Somali ah waana Dr. Xaashi Cilmi Nuur. Garsoore Dr Xaashi Cilmi Nuur 16/3/2013 ayuu xukun cadaalada ka fog soo saaray oo ahaa in Gacan ku dhiigle Mahad Cabdi Adan uu dhiibo 120$ iyo lixbilood oo xariga.
Bal Link Gaan Guji oo Sida Amiin Arts U Cabiray Dhacdadaan Foosha Xun Akhri+Sawirro
Email: info@wadaninews.net