Ciidamada ka Howlgala Gobolada Baay, Gedo iyo Bakool oo Dhawaan Mushaar la Siin Doono;-22/06/2013

Taliyaha qeybta lixdanaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobollada Baay, Gedo iyo Bakool Jeneraal Ibraahim Yarow ayaa sheegay in ay dhowaan ciidamada xoogga dalka ee gobolladaas ku sugan heli doonaan mushaaraadkooda.

Taliyaha oo dhowaan xilkan loo magacaabay ayaa Warbaahinta u sheegay in ay wadaaan dedaallo loogu sameyn lahaa dib u habeyn ciidamada xoogga ee ka howlgala gobollada Baay, Gedo iyo Bakool.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in ammaanka gobollada ay wax badan ka bedeleen, sidoo kalena ay suurageliyeen in ciidamada ay ku sugnaadaan goobaha loo cayimay.

Jeneraal Ibraahim Yarow ayaa qiray in safarradiisa gobolladan uu hadda u adeegsado dhinaca dhulka, taas oo uu sheegay in ay muujineyso sida ay wax badan uga beddeleen ammaanka goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka.

Kala Soco Warar Sugan: www.wadaninews.net

Email: info@wadaninews.net