Hargeysa:-Sheekh.Dr Xassan Sh.Cali Warsame iyo Sh.Dr. Faysal Maxamed Cali oo maalmihii u danbeeyey ku suganaa magaalada Hargeysa ee xarunta S/land ayaa waxaa ay muxaadarooyin kale duwan ka jeediyeen Masaajidda kale duwan ee ku yaal Hargeysa. Culimada ayaa waxaa ay muxaadaraad iyo dardaarano u jeediyeen Ardayda iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Hargeysa, Culimada ayaa waxay aad uga hadleen fadliga uu leeyahay cilmigu iyo inay muhiim tahay in lagu camal falo cilmiga .
Culimada ayaa ku boorisay dadweynaha in dacwada fidinteeda loo kaco laguna sabro wixii ka soo gaar dadka. Sheekh.Dr Xassan Sheekh. Cali Warsame ayaa waxaa uu muxaadarado uu uga hadlay u diyaar garowga bisha Ramadaan uu ka jeediyey Masjidka Nuur Al-hudaa oo ah Masjidka uu Sh Maxamed Cumar Dirir uu ka bixiyo duruusta kale duwan, Sh.Dr. Faysal Maxamed Cali ayaa isagan waxaa uu jeediyey muxaadaro uu ugu magacdaray (Ka digida bidcaysiinta culimada iyo ducaada ee aan xaqa ahayn).
Sheekha ayaa waxaa uu aad ugu dheeraday in ay muhiim tahay in laga fogaado in la dhaleeceeyo culimada waxanu sheekhu tusaale u soo qaatay dad caado ka dhigtay iyaga oon ehel u ahayn in ay dadka muslimiinta ah gaar ahaan ducaada Ahlu Sunnaha ah ku tilmaamaan bidcoolayaal , iyo magacyo kale oo liita, waxaa kale oo uu sheekhu ka waramay dawaabida ay shareecadu u dhigtay tabdiica isagoo sheekhu u soo jeediyey dadka u mashquulsan arrintaas in ay rabi uga toobadkeenaan.
Guntii iyo gabagabadii nadwada waxay culimadu kaga jawaabeen su, aalo ay dad weynihii muxaadaraadka dhageysanayey weydiiyeen oo dhinacyo badan taabanayey .
Hoos Ka Dhageyso Nasaaixda iyo Tawjiihaadka labada Sheekh ee Sheekh.Dr Xassan Sh.Cali Warsame iyo Sh.Dr. Faysal Maxamed Cali
Ama RIIX Halkaan Si Aad U Dhageysato Maxaadarada Mp3