Daawo Muuqaalkii Qaraxyadii iyo Weeraradadii Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ku galeen Xarunta Hay’ada Qaramada Midoobay UNDP;-19/06/2013

Muqdisho: Waxaa Maanta Qaraxyo iyo Weeraro qorsheesan Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ku galeen Xarunta Hay’ada Qaramada Midoobay UNDP oo kutaal agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ragan Shabaab katirsanaa oo aad u hubeesnaa sidoo kale watay Dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa Xaruntaasi galay kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay albaabka hore ee Xaruntaasi kadibna ragan Hubeesan ay usuurto gashay in gudaha si fudud ku galaan.

Waxaa gudaha Xarunta UNDP xiligaasi kadib ka qarxay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay Daaalyahnada Al-Shabaab katirsan ee gudaha u galay iyo ilaalada Xaruntaasi dagaalkaas oo socday in kbadan saacad , waxaa sidoo kale Xaruntaasi ka dhacay Qaraxyo ismiidaamin ah oo la tilmaamay in ay ahaayeen rag kuxirnaayeen waxyaabaha qarxa.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Gaashaan iyo Ciidamo kale oo kasocday kuwa AMISOM ayaa soo gaaray goobta kuwaa oo ugu dambeyn ku guuleestay in ay soo afjaraan dagaalkii xarunta kasocday Ragii Shabaabka ahaana qaarkood ay toogteen halka kuwa kalana ay is qarxiyeen.

Waxaan wali si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha ka dhashay Weeraradii ismiidaaminta ahaa iyo Dagaaladii tooska ahaa ee kasocday Xarunta UNDP in kabadan saacad waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan qasaarooyin soo gaaray dad rayid ah oo kusugnaa afaafka hore ee Xarunta kuwaa oo qaarkood la arkay iyaga oo meyd ah hadana gubanaya.

Warar kale aan heleyno ayaa sheegaya in ay jiraan Qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray qaar kamid ah ilaalada iyo Shaqaalaha Hay’ada UNDP inkastoo aan si rasmi ah loo heyn tirada qasaaraha soo gaaray iyo in ay ku jiraan dadka waxyeeladu gaartay dad ajaaniib ah oo goobta ka shaqeenayay.

 

Halkaan Ka Daawo Sawirada weerarkii maanta lagu qaaday xarunta UNDP-da.






Goobaha ganacsi ee kasoo horjeeda xarunta UNDP


Ambulance-yada Ciidamada Booliska
Albaabka Xarunta UNDP
qeyb ka mid ah Xarunta UNDP oo uu ka muuqdo difaac adag oo qaraxii aan gaarin