Daawo Sawirada Muqdisho oo lagu soo bandhigay Rag iyo Haween laga soo qabtay Hotel xili ay halkaasi ku qarsadeen Hub iyo lacago been abuur ah 25/09/2013

Daawo Sawirada Muqdisho oo lagu soo bandhigay Rag iyo Haween laga soo qabtay Hotel xili ay halkaasi ku qarsadeen Hub iyo lacago been abuur ah 25/09/2013

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo maanta howlgal gaar ah kasameeyay Magaalada Muqdisho ayaa kusoo qabtay hub , Rasaas , lacago been abuur ah iyo waliba dadkii lahaa oo ka koobnaa ilaa 4-qofood.

Howlgalkan ay Ciidamada sameeyeen ayaa waxa ay ku beegsadeen mid kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho halkaas ay kasoo qabteen afar ruux oo mid kamid ah haweeney tahay kuwaa oo la tuhmayo in ay iyagu lahaayeen hubka iyo lacago Dollar been abuur ah.

Dadkan laga soo qabtay mid kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho ayaa loo soo bandhigay Warbaahinta iyadoona Hay’ada amaanka sheegeen in baaritaano dheeraad ah lagu sameenayo dadkan maanta lasoo qabtay.

Ma ahan markii ugu horeesay Ciidamada Dowlada ay howlgalo ku galaan qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho oo la tuhmayo in mararka qaar dagaan dadka falalka amaan daro ka geesta Magaalada Muqdisho.