Daawo Sawirada Nashqada la filayo in dhawaan loo dhiso garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho 26-09-2013

 Daawo Sawirada Nashqada la filayo in dhawaan loo dhiso garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho 26-09-2013

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho dhawaan waxaa la wareegtay Shirkada Favori oo ah shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga kadib markii ay heshiis la gashay Xukuumada Soomaaliya.

Shirakada Favori ayaa balan qaaday dhawaan in garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusameyn doonto isbadal deg deg ah loona dhisi doono qaab casri ah oo la jaanqaadaya Garoomada aduunka gaar ahaan kuwa Turkiga kuyaal.

Shirkada garoonka Maamuleysa ee Favori ayaa soo bandhigtay nashqad casri ah ay dooneyso in dhawaan u dhisto garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho , waxa ayna shirkada balan qaaday in sanad gudaheeda garoonka ay casri ka dhigi doonto.