Daawo Sawiro Naxtin leh sida Kooxda Al-Shabaab u laayeen dadkii ay ku heesteen Xarunta Westgate Mall 25-09-2013

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa qaar kamid ah Sawiro laga soo qaaday dadkii lagu laayay Xarunta Westgate Mall ee Bartamaha Magaalada Nairobi halkaas oo mudo afar maalin la eg ay gacanta ku hayeen Dagaalyahano katirsan Al-Sahbaab.

Sawiradan oo ah kuwa muujinaya dareen naxtin leh ayaa la tilmaamay in kooxaha hubeesan aysan wax naxariis ah haba yaraatee aysan muujin cidkasta ay arkaana rasaas badana ooda uga qaadaay taa oo keentay in ay dilaan dad gaaraya ilaa 69-qof halka ay dhaawaceen ku dhawaad 200-qof.

Dadka dhintay waxaa ku jira haween badan iyo caruur kuwaa oo kusugnaa xaruntaasi xiliga Kooxdan hubeesan xooga kusoo galayeen Xarunta Westgate Mall maalintii sabatidii lasoo dhaafay.