Dagaal ka dhacay Duleedka Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool;-22/06/2013

Ceelbarde (wadaninews.net)–Iska horimaad khasaaro gaystay oo u dhaxeeye Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Bakool.

Iska horimaadkan u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kadib markii Ciidmo ka tirsan Al Shabab ay weerar ku qaaden fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmadaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka uu ku biloowday si xowli ah isla markaana uu jiro khasaaro hase ahaatee aan faah faahin laga bixin Karin.

Xalaada duleedka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa saakay ah mid degan waxaana la sheegayaan in Ciidamada Dowladda ayku suganyihiin goobahii lagu dagaalamay.

Mahan markii ugu horesay ee Ciidamo ka tirsan kuwa Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Bakool.

Email: info@wadaninews.net

www.wadaninews.net