Gudomiyaha gobolka shabeelaha ayaa waxaa uu la socdey wafdigii ka qeyb galayey shirka brusels gudoomiyaha ayaa waxaad modaa hadalkii ey dadka ku sheegi jireen in uu lasoo baxay kolkuu yimid brusels.
Sida eynu ka warheyno gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose ayaa in badan waxaa uu dusha kaga fadhiyey horumarka gobolka shabeelaha hoose isagoo mar walba u adeegsan jirey kooxo dhul doon ah oo kasoo kicitimey gobolada dhexe ss dalka somaliya.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale marar badan waxaa lagu eedeeyey inuu masuul ka ahaa isbaarooyin badan oo yaaley gobolka shabeelaha hose isagoo qaar ka mid isbaarooyinkaasina uu isaga lahaa.
Dad badan oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa ey marar badan kaga hadli jireen damiir la,aanta gudoomiyaha taasoo ay sal kaga dhigi jireen wax qabad la,aanta iyo soo dhaweynta dad aan deegaanka u dhalan.
Damiir la,aantii lagu sheegi jirey gudoomiyaha ayaa kolkii uu tegey magalada brusels ayaa bananka lasoo baxay isagoo isku sawirey dhinacna ka heysta calanka kooxda dhul boobka ee juba taasoo micnaheedu tahay in gudoomiyaha uu mar walaba diyaar u yahay inuu taageero ama soo dhaweeyo koox walba oo duulaan ku ah dhulka koonfur galbed ee somaliya.
Somalida qaarkood ayaa waxaa ey ku caan baxadey nin jecleysi iyo reer jecleysi taasoo ey mararka qaarkod ey sababeyso in qof aad ku taageerto dulmi iyo xaqdaro, Balse su,aasha la is weydinaya ayaa wexey tahay dadkii Cabdulkhadir siidi ku taageeri jirey dulmiga maadaama uu hada gaarsiiiyey meesha ugu sareysay mexey ku taageeri doonaan.