Dhagayso:-Cabdinaasir Jeer”Waa Wax Laga Xumaado in Gudoomiye Dhan uu qasbo Malaqyada Digil iyo mirifle Sep 22, 2013

Lataliyaha Madaxweyne ku Xigeenka Juba Cabdinaasir Guure faarax Jeer oo Waraysi Sinayeey Warbaahinta Caalamiga ah ee Saadaal Media ayaa Wax Riyo ah ku Tilmaamay Shir Wada Tashi ah oo maamul u samayn ah oo kuso dhamaaday Baydhabo.

Cabdinaaasir Guure Faarax ayaa Sido kale Sheegay in Gudoomiyaha Barlamaanka soomaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ku Qasbay Odayaasha Digil iyo mirifle in ay dhisaan Maamul ka Kooban 6 gobal.

Dhinaca kale Wuxuu Hanjabad u Diray Malaqyada Digil iyo mirifle wuxuna ugu Hanjabay in uu ka noqdaan shegeshada 6 Gobal Wuxu shegay in ay Xaq u leyihiin in ay dhistaan 3 gobal.

Wariye Maxamed laki oo Saadaal Media katirsan ayaa Waraystay Jeer Wuxuna Marka Hore Waydiyeey sida ay u arkaan Shirkaas.