Dhagayso: Duqa Muqdisho Tarsan oo Banaanka keenay Sirta Hogaamiyaasha Shabaab iyo Caruurtooda. Published on September 27, 2013

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa si caro leh uweeraray Kooxda Shabaab gaar ahaan hogaamiyaashood.

Tarsan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Axmed Godane iyo Cali Dheere ay caruur aan waxba galabsan u adeegsanayaan qaraxyo iyo dagaallo xili caruurtooda ay dibada ceyr ka qaadanayaan oo ay raaxeysanayaan.

Halkan Riix Si Aad U Dhagaysato CODKA TARSAN

“Godane hadii janada uu sheegayo ay tahay mid run ka ah isaga walxaha Qarxa ha isku soo xiro ee ha is qarxiyo, kahor inta uusan is Qarxina Haweenkiisa iyo Caruurtiisa sidaas oo kale walxaha Qarxa hakusoo xiro hal mar ha isla geeriyodaan, markaas ayaan ka Fakareynaa in janada uu raadinayo ay tahay mid run ah” ayuu tiri Tarsan gudoomiyaha gobolka Banaadir.

“Cali Dheere Caruurtiisa waxaa ay ku hoos nool yihiin gaalada Swedan ayay Ceyr ka qaataan, mid kamid ah taxi ayuu wataa, muu soo wato oo uu dhaho isqarxiya” ayuu sidoo kale sheegay Tarsan.

Waxaa uu sheegay in Axmed Godane uu doonayo inaysan tarmin oo aysan ubad dhalin dhalinyarada Soomaaliya ee kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya, taasna ay tahay dagaal toos ah.