Dhagayso: Odayaasha Baydhabo”waa si sonayaa Banaanbaxayada lagu Tageeray Maamulka Konfur Galbeed. Sep 25, 2013

Dhagayso: Odayaasha Baydhabo”waa si sonayaa Banaanbaxayada lagu Tageeray Maamulka Konfur Galbeed.     Sep 25, 2013

Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamid ah odayaasha Digil iyo mirifle isla Markaasna la hadlayeey warbaahinta Gudaha ayaa shegay in Banaanbaxayada kadhacaya Baydhabo ay si socon donaan.
Shir maalmo ka socday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, ayaa ugu dambeyn laga soo saaray go’aano ku aadan in Odayaasha Digil iyo Mirifle ay sameysan karaan maamul.

Qaar kamid ah qodobadii laga soo saaray shirkii Baydhab ayaa sidan uqornaa.

1.In si buuxda loo taageero midnimada qaranka habsami u federaaleynta dalka iyo difaaca gobannimada Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

2. In la dhiso Dawlad Goboleed ka kooban lixda Gobol kuwaasoo kala ah: Shabeellada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. sida ugu dhaqsiyaha badana loo dar-dar galiyo dhisida Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

3. In heshiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay la gashay Ergadda kasocotay Kismaayo ee ay kula gashay magaalada Addis Ababa bishii Agoosto 27, 2013 uu yahay mid aan marnaba la aqbali Karin, kaas oo ah mid aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Shuruucda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana Xuquuq-duudsi bareer ku ah Shacbiga Deegaanada Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Saa daraadeedna si toos ah loo diido Xukuumaddana lagula taliyo in ay dib uga fiirsato.

Halkan Riix Si Aad U Dhagaysato