magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho waxaa ka kala dhacay kulamo xasaasi ah oo ay yeelanayeen siyaasiyiinta iyo odayaasha beelaha digil iyo Mirifle.
Kulamadaas ayaa ahaa kuwa iska soo horjeeday, waxaana kulankii Muqdisho lagu taageeray Pro Jawaari halka kulanka Baydhabo lagu taageeray Shariif Xasan
Masuulinta Beelaha Digil Mirifle ayaana Magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuusan matalayn gudoomiyaha Barlamaanka Beelaha Waxayna Ugu baaqeen Inuu saacado gudahooda Xilka Gudoomiyaha Uu iskaga Casilo hadii kale Uu imaado magaalada Baydhabo.
Sidoo kale waxay Taageero Xoogan Umuujiyeen Shiriif Xasan Sh Aadan Gudoomiyhii Hore ee Barlamaanka Soomaaliya oo hada socdaal kusoo gaaray Muqdisho, lana filayo in Baydhabo uu tago.
Hadalkani waxa Uu imanaya Iyadoo dhawaan Beelahaasi Ku dhawaqeen inay kalsoonida kala labteen dowlada Faderalka Somaaliya, kadib heshiskii Axmed Madoobe iyo DF ee Adis Ababa ka dhacay.
Dhagayso:-Odyaasha Digil iyo Mirifle oo si weyn u kala Tageeray siyaasadaha iska soo horjeeda ee Prof Jawaari iyo Sheekh Shariif Sep 14, 2013
