War qoraal ah oo naga soo-gaaray wasarada warfaafinta dowlada Puntland ayaa lagu sheegay in shaqadii uu Tv-ga Universal ka hayay deegaanada Puntland laga joojiyay ilaa amar danbe oo dhanka dowlada Puntland kasoo baxa.
Wasiirka warfaafinta Mudane Axmad Shiikh Jaamac ayaa sheegay sababta shaqada looga joojiyay Tv-gaasi inay tahay in ay si bareer ah oo ula kac ah ay ula dagaalameen wafdigii uu madaxwaynaha Puntland hoggaaminayay ee ka qayb galay Shirkii New Deal 16-ka bishaan ku qabsoomay magalada Brussels.kaasoo Somalia dhaqaale loogu aruurinayay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay sidatan ”Wasaaraddani waxay u aragtaa in mulkiilayaasha Tv-gaasi, falalkooda gurracan ay ku raalli gelinayeen. xafiisyo ku yaala Muqdisho, kagana rabeen cunto rakhiis ah, iyagoo xafiisyadaas horay ula sii galay heshiis gobannnimada ka fog, markii xafiisyaddaasi ay Tv-gaasi gaar u siyeen soo tebinta wararka shirkaasi”.
Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa daboolka ka qaaday, ka dib xogo badan oo ay ka haleen dhanka shacabka iyo dowladaba, inay garowsadeen, shaqa ka joojinta Universal, wuxuna Wasiirku yiri ”Sidaas darteed, wasaaraddani, iyadoo difaacaysa shafarta iyo xaquuqda shacabka reer Puntland, laga bilaabo saacadda 8:00-subaxnimo ee taariikhdu tahay, sabti 21/09/2013, waxay joojisay oo mamnuucday dhammaan howlgalladii Tv-ga UNIVERSAL ee gudaha Dowladda Puntland (Illa war danbe).
Marka laga tago joojinta ay Puntland sheegtay inay ku samaysay Tv-ga Universal, ayaa waxa kale oo jira warar kala duwan oo sheegaya in madaxda Tv-gaasi ay isku dayeen sidii la iskaga hor keeni lahaa shacab waynaha reer Puntland, wasiirka warfaafinta oo arintaasi soo xiganaya ayaa sheegay.
”Shacabka reer Puntland meel kasta oo ay dunida ka joogan way yaqaanaan tallaabooyinka ku habboon ee uu ka qaadayo Tv-gaas xag xagtay sharaftiisa”.
Si kastaba in shaqa joojinta Universal Tv, ayaa waxay kusoo aadaysaa xili si wayn shacabka reer Puntland u hadal hayeen sababta warbaahinta ay us oo dayn wayday khudbada uu madaxwayne Farole ka jeediyay, Shirka Brussels, dhanka kale saxaafada Somalida ee ka qayb galay shirkaasi ayaa arintaasi ku eedeyay Midowga Yurub.