Dhagayso+Sawiro:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya oo maanta Muqdisho kula kulmay Dhalinyaro Farabadan:-21/06/2013

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta boqolaal dhalinyaro ah kula qaatay xarunta Golaha Shacabka kulan wadatashi ah oo ku aadan doorka iyo fursadaha dhalinyaradu ay ku yeelan karaan hormarka Dalka.

Kulankan oo qeyb ka ah kulammo wadatashi ah oo mudooyinkanba uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa kasoo qeybgalay ku dhowaad 300 dhalinyaro ka kala socotay ururrada Dhalinyarada ee Dalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo si rasmi ah u furay kulankan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dhalinyaradii kasoo qeybgashay kulankan wadatashiga ah sida ay ugasoo jawaabeen casuumaad uu u sameeyey Gudoonka Baarlamaanka waxaana uu intaasi ku daray in dhalinyarada Soomaaliyeed ay maanta hortaalo fursad ballaaran oo ay dalkooda,dadkooda iyo diintooda ugu adeegi karaan, sidoo kalena Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu ku dhiirageliyey dhalinyarada iney fikirka ay u arkaan in dalka lagu hagaajin karo soo gudbiyaan.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii kulanka ka qeybgashay oo iyana madasha ka jeediyey khudbaddo ayaa ugu horeyn waxey uga mahad celiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka fursada uu u siiyey iney yimaadaan Golaha Shacabka oo ay fikirkooda kusoo bandhigaan waxaana dhalinyarada intoodii badneyd ay goobta kusoo bandhigeen fikraddo ay ugu muhiimsaneyd in marka hore Dowladdu qaado talaabbo lagu mideynayo ururrada Dhalinyarada ee Dalka ka jira.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa ka hadlay qaar ka mid ah fikradihii ay soo jeediyeen dhalinyaradii kulanka ka hadashay waxaana uu Gudoomiyuhu ku booriyey dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney muujiyaan iskuduubni isagoo si gaar ahna uga digay dhalinta ineysan u hogaansamin kuwa mastaqbalkooda doonaya iney baabi’iyaan.

Gebagebadii kulanka ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku dhawaaqay in dhowaan la sameyn doono golle loogu magacdarayo Golaha Baarlamaanka Dhalinyarada oo iyagu si toos ah wadashaqeyn ula yeelan doona Xildhibaannada Baarlamaanka taasi oo ay dhalinyaradii kulanka kasoo qeybgashay aad ugu riyaaqeen.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

 

Hoos Kadhagayso codka Jawaari iyo Dhalinyarada

Dhagayso Codaadka Jawaari iyo Dhalinyarada

DSC06435

DSC06310 DSC06311 DSC06312 DSC06313 DSC06313 (1) DSC06314 DSC06315 DSC06319 DSC06323 DSC06324 DSC06328 DSC06329 DSC06330 DSC06331 DSC06335 DSC06340 DSC06342 DSC06345 DSC06347 DSC06347 (1) DSC06348 DSC06349 DSC06354 DSC06355 DSC06356 DSC06359 DSC06361 DSC06365 DSC06366 DSC06368 DSC06369 DSC06370 DSC06375 DSC06381 DSC06397 DSC06400 DSC06403 DSC06410 DSC06417 DSC06419 DSC06430

www.wadaninews.net

Email: info@wadaninews.net