Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in saakay halkaas uu ka soconayo kulan balaaran oo looga tashanayo aayaha gobollada Bay iyo Bakool.
Kulankaas ayaa waxaa ka qeyb galaya xildhibaano katirsan barlamaanka DF Soomaaliya oo uu hogaaminayo Pro Maxamed Sh Cismaan Jawaari.
Shirkan wadatashi ayaa looga gol leeyahay sidii loo dhisi lahaa maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, iyadoo xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle ay isku dayayaan xal kale oo laga garo khilaafka DF iyo Beelahaas Bay iyo Bakool dega
Xildhibaan Maxamed Isxaaq Cismaan Fanax oo ka mid ah Wafdiga Gudoomiye Jawaari ee Baydhabo kusugan ayaa sheegay in arrimaha laga hadlayo ay qeyb ka tahay mida Maamulka Jubba oo ay dadka gobolka kasoo horjeedaan.
Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ee maanta ay qodobo kasoo baxaan shirkan ka soconaya Baydhabo.