Dhagayso:-Suldaan Jaamac”Ergaydii Gobalka Gedo Waa la ogyahay in ay Kismaayo Jogaan Mucaarad ayaa Tagay Baydhabo Sep 25, 2013

Suldaan Jaamac oo kamid ah Salaadinta Soomaliyeed isla Markaasna ku sugan magalaada Kismaayo waraysina sinayeey Saadaal Media ayaa si kulu uga hadlay mid kamid ah Ugaasyada somaliyeed oo shegay in uu tagay Baydhabo kana qayb qatay shirkii Konfur Galbeed shegayna in uu ku Baxay magaca gobalka Gedo.

Suldaanka ayaa Marka hore shegay in uu ad uga Xunyahay Taalabada uu ku dhaqaqay Jawaari ee ahayd in uu Malaqyada Digil iyo mirifle uu ku qasbo dhismaha Maamul Gobaleed ka Kooban 6 gobal o logu Magac daray maamulka Konfur Galbeed.

Sido kale wuxu ka hadlay Mid kamid ah Salaadinta Gedo oo lagu magacaabo Ugaas Xasan oo waraysi siyeey Saadaal Media Xalay shegayna in uu qayb ka ahaa shirka kuso dhamaaday Baydhabo ee lagu dhisayeey konfur Galbeed.

Wuxu shegay in ninkaas uu yahay Mucaarad isla Markaasna Magaalada Kismaayo uu joogo Ugaaska Beesha Sade sido kalena Gobalka Gedo uu kamid yahay Maamulka Juba.