Xasan Sh Maxamuud Madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa hadal dheer ka jeediyay kulankii golaha amaanka QM ee ka dhacay magaalada New York. Arimaha uu kahadlay madaxeyne Xasan Sh waxaa kamid ah amaanka Soomaaliya, Hormka la sameeyay, arimaha siyaasada, heshiiskii DF ay lagashay Maamulka Jubba, xariirka uu la leeyahay Somaliland iyo Puntland iyo Arimo Sidoo kale waxaa uu kahadlay Weerarkii ay Kooxda Shabaab ku qaaday Dhimsha Westgate ee magaalada Nairobi kaas oo ay sheegteen Shabaab. Madaxweynaha ayaa dalbaday in dowladiisa laga gacan siyo la dagaalanka Shabaab, hirgalinta nidaamka fedaraalka iyo guulaha ay ku tallaabsaday muddada sannadka ah ay jirtay.