Dhagayso:Xukuumada Somaliya oo caalamka ka codsatay hub iyo qarash ay kula dagaalanto Al Shabaab. Sep 26, 2013

Dowlada Soomaaliya oo dalbatay hub ay kula dagaalanto Alshabaab Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xakiim Xaaji Fiqi oo la hadlay Talafishinka NBC ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegay inaysan la dagaalami kareynin waxa loogu argagaxisada haddii aysan helin hub iyo maalgalin dhameestiran.

Wasiirka ayaa sheegay in marka ay sidaa leeyihiin aysan ula jeedin diyaaradaha quuxa ka dheereeya ee kooxahaas lagula dagaalamo.

Waxa uuna tilmaamay in hubka fudud oo loo qeybiyo ciidamada amaanka ee soomaaliya uu ka caawin karo masiibada ka soo fool leh kooxahaasi.

Cabdi Xakiim ayaa xusay in dhacdada westgate ay Caalamka tusineyso sida kooxda Alshabaab ay iskugu badashay Urur argagaxiso oo dunida oo idil qatar ku haya.

Mr Fiqi oo la hadlayay Talafishinka NBC ee Mareykanka laga leeyahay ayaa sheegay in haddii ay hub helaan ay ka guuleysan karaan Alshabaab iyo cid kasta oo fakarkeeda aamin san.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa xusay in dowladaha reer galbeedku ay balanqaadyo badan u sameeyeen laakiin aysan u oofin sida ay yihiin.

Sida uu wasiirku sheegay dowlada Soomaaliya ayaa ku tiirsan hub uu ka mid yahay qoriga Ak 47 oo uu sheegay inuusan awood sare lahayn.

Dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku heysa deegaano badan oo ku yaala koofurta Soomaaliya kuwaas oo ay xureeyeen Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya.