Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo qeyb ka ahaa xubnihii Baarlamaanka Soomaaliya u matalayay Shirka ayaa ka warbixiyay arimhii Soomaaliya qoseeyay ee lagu soo qaaday shirka, waxa uuna sheegay in shirka qodobadii kasoo baxay ee Soomaaliya ka qoseeyay ay ugu mihiim sanaayeen in Soomaaliya laga taageero dhinac weliba oo ay kamid tahay amniga, siyaasada iyo dhaqaalaha, isagoona Xildhibaan Dalxa xusay in sidoo kale laysku raacay in dowlada Soomaaliya laga taageero dib u dhiska dalka dalka.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa aya sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Carabta ay isla gateen in mudnaan gaar ah lasiiyo wadamo ay Soomaaliya kamid tahay kuwaasi oo shir dhaqaale loogu ururinayo la qabto, isagoona tilmaamay in la isla gartay wadamo Soomaaliya ay kamid tahay in laga taageero dhinac weliba oo maalgashiga uu ugu horeeyo.
HALKAAN KA DHAGEYSO XILDHIBAAN DALXA
Wadamada carabta ayaa taageero u muujinaya Xukuumadda Soomaaliya oo dadaal ugu jirtay in dalka ay kusoo celiso nidaamkii iyo kala dambeyntii ka jirtay.