DHAGEYSO:-General Saacid oo Baydhabo tagay iyo kormeer uu ku sameeyay xaruumaha ciidanka. October 231, 2013

DHAGEYSO:-General Saacid oo Baydhabo tagay iyo kormeer uu ku sameeyay xaruumaha ciidanka. October 231, 2013

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi xakiin Faarax Saacid iyo saraakiil uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay isagoo ka soo kictimay magaalada muqdisho.

Safarka Taliyaha ayaa la sheegay inuu ahaa mid kedis ah oo aysan la socon saraakiisha sar sare ee Booliska Gobolka Baay isagoo islamarkii uu gaaray Baydhabo socod ku tagay xaruumaha Ciidanka Booliska Baydhabo sida Stationka iyo Baro kantarool oo Booliska ay ku leeyihiin Bartamaha magaalada Baydhabo.

Saraakiil la socotay Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa ku waramay in taliyaha uu xanaaqay markii uu arkay baro kantarool oo ay joogeen tiro ka yer kuwii loogu talagalay inay ilaaliyaan taasi oo lagu micneeyay in askarta booliska aysan lahayn wax jadwal ah oo ay ku shaqeeyaan islamarkaana askari waliba uu soo galo shaqada waqtiguu doono kana baxo waqtiguu damco.

Magaalada Baydhabo ayaa iminka lagu tiriyaa magaalooyinka ugu nabdoon soomaaliya marka laga hadlayo qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee soomaaliya.