Banaanbax balaaran oo lagu taageerayay Raysal wasaaraha wadanka Turkiga Rajab Dayib Ordagan sidoo kalana looga soo horjeeday banaanbaxda ka dhacaya wadankaas ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Banaanbaxaan oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne badan oo ka kala yimaaday xaafadaha caasimada ayaa waxay ku miijiyeen dareenkooda.
Dadka banaanbaxa ka soo qaybgalaya ayaa ugu baaqay shacabka Turkiga inay joojiyaan rabshadaha isla markaana ay la shaqeeyaan dowladooda.
Dowlada Turkiga ayaa howlo badan oo mashaariic ah ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo qaybbo kale oo ka tirsan wadanka.
Email: info@wadaninews.net