Qaar kamid ah culumadda Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhibaatada tahriibka uu leeyahay,xilli dhalinta Soomaaliyeed ay inbadan kusii qul-qulayaan dalal aan dalkooda aheyn,dhibaatooyina ay kala kulmaan.
Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo kamid ah Culumadda dalka ugu waaweyn ayaa sheegay in sida ugu haboon ee tahriibka loo joojin karo ay tahay dhowr arimood oo dhalinyarada Soomaaliyeed loo sameeyo.
Wuxuu sheegay in sababta dalka ka eryeyso dhalinyarada ay tahay shaqo la’aan iyo gaajo,kol hadii loo sameeyo buu yiri shaqo abuur iyo waxbarasho in badan oo kamid ah dhalinyarada inaysan dalal kale u tahriibi doonin.
Shirkadaha ganacsiga iyo shaqsiyaadka hantida haysta ayaa wuxuu sheegay in looga baahan yahay inay iska kaashadaan sidii shaqo abuuris wanaagsan loogu sameynlahaa dhalinyarada si un tahriibka loo joojiyo.
Sheekh Maxamed Cabdi Umul ayaa sidoo kale ka hadlay inaysan wanaagsaneyn in nafta Qatar la geliyo loona baahan yahay in la ilaaliyo nafta oo diinta xitaa ay nafarayso ilaalinta nafta,waa mida koowaad in qofka islaamka uu ilaashado diintiisa iyo naftiisa.
Dhalinyarada Soomaaliyeed oo loo sameeyay wacyigelino dhanka diiniga ah iyo mid maadi intaba ayaan ku waano qaadan joojinta tahriibka,maadaama dhibaatada ugu weyn ay ka cararayaan ay tahay dalkii oo aan laheyn shaqo abuuris,colaad ka jirta iyo dhalinyarada oo feker qaldan laga gudbiyay.