Suldaan Deeq Suldaan Macalin Sanbul oo ka mid ahaa hogaamiyaashii ururkii NFD ee u dagaalami jiray in deegaanada waqooyi bari ay noqdaan kuwo ka madax banana dowlada Kenya isla markaana Soomaaliya ay maamusho ayaa ka digay in Kenya ay qabsato gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Suldaan ayaa sheegay in maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe uu ka cabsi qabo in Kenya ay siiyaan dhul ay leedahay Soomaaliya taasina xiligaan ay keento dhibaato.
“Axmed Madoobe iyo Rag kale ayaa doonaya in Kenya ay gumaysato shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Suldaan Deeq Suldaan Macalin Sanbul.
HALKAAN KA DHAGAYSO CODKA SULDAANKA