DHAGEYSO:URURKA SUXUFIYIINTA NUSOJ OO CAMBAAREEYAY DHAAWACA WARIYE TIMA CADDE October 23, 2013

DHAGEYSO:URURKA SUXUFIYIINTA NUSOJ OO CAMBAAREEYAY DHAAWACA WARIYE TIMA CADDE October 23, 2013

Ururka Suxufuyiinta qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay dhaawaca loo geystay Wariye MAxamed Maxamuud Tima Cade oo saaka kooxo hubaysan ay ku dhaawaceen Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

C/rashiid Abiikar Deel oo kamid ah xubnaha Ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ayaa Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho usheegay inay aad uga xun yihiin falka beegsiga Wariyeyaasha inay weli kasii socdaan magaalada Muqdisho.

Wariye Tima Cadde ayaa waxaa goordhaweyd lagu sameeyay qaliinkii labaad, inkastoo xaalada Wariyaha ay tahay mid dhaawaciisa dhaqaatiirta ay ku sheegeen mid yara culus.

Duniya Maxamed Cali oo ah madaxa caafimaadka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay inay wadaan la tacaalid ku aadan xaalada Wariyaha.

Bahda saxaafada Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ehelada wariyaha ayaa ku sugan Isbitaalka Madiina oo wariyaha lagu dabiibayo.

RIIX HALKAAN SI AAD U DHAGEYSATO