Dhageyso:- Wasiiro maanata dhagax dhigay goobo waxbarasho oo la dhisayo;-19/06/2013

Mashruuc ururka iskaashiga islaamka ee OIC uu ku dhisayo sodon iyo sadax iskuul muda sanad ah oo qeyb ka aha mashaariic horumarineed oo ururka fulinayo islamarkaana ay maal galieyso doowlada suduudiga ayaa maanta laga bilaabay dugsiag hoose,dhexe ee Yaasiin Cismaan.

Iskuulkan ayaan noqoday iskuulkii ugu horeeyay ee lagu bilaabo mashaariicdan.

Dr Maryan Qaasim Axmed oo ah Wasiirka horumarinta iyo adeega bulshada xukuumadda soomaaliya ayaa Amaantay dadaalaka dib loogu dhisay goobaha waxbarashda dalkeena.

DHAGEYSO WASIIRKA ADEEGA BULSHADA

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo isna goobta dhagax dhigga ka hadlay ayaa ururka OIC ugu mahadceliyay fulinta mashaariicdan horumarineed oo ay dalka ka fulinayaan.

DHAGEYSO WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA

Maxamed Iidle sabriya oo ah Ku xigeenka madaxa ururka iskaashiga islaamka ee soomaaliya ayaa sheegay in mashruucdani ay ka faa’iideeysan doonaan in ka badan konton kun oo arday.

DHAGEYSO MASUULKA URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA

www.wadaninews.net

info@wadaninews.net

 


Crea un sito web gratis Webnode