DHALASHADII &BARBAARINTII

DHALASHADII &BARBAARINTII

DHALASHADII &BARBAARINTII

RASUULKA SCW

 

Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awoowgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, awoowgiis Cabdimudhalib wuxuu guday maalinkii toddobaad (7’’aad) Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii( Booyeeso/ shaqaale)  Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabshe

markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jirey  markaasey xaliima sacdiyah go’’aansatey  iney hooyadiis u celiso, weyna usoo celisay.

Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano  ka gaarey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yiraahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey. Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu awoowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa uu ka gaarey 40sano.

 

 

 

 

Summary  = Soo gaabin Dulmar ah

Nabiga s.c.w magaciisa waa Maxamed Binu Cabdullaahi Binu cabdull mudhalib

Ku dhashay magalaada makka sanadkii maroodiga (Caamu fiil) 570

Magaca hooyadiisa waa Aamino Binti wahaab

Magaca Aabihiisa Cabdullaahi .wuxuu dhintey isaga 25 jir ah

Magaca Awoowgiisa  Cabdimudhalib

Magaca Adeerkis Abii Dhaalib , magaca Xaaskiisa Khadiijah Binti Khuweyladd

Nabiga s.c.w wuxuu magalaada makka jooga ilaa 53 sano ka gaarey

Nabiga s.c.w wuxuu u hijroodey magaalada madiina

Nabiga s.c.w waxaa nabi nimadda(Prophet) la siiyey isagoo 40 sano jira.

Nabiga salalaahu  caleyhi wasalam ( s.c.w) wuxuu madiina joogay 10 sano

Nabiga salalaahu  caleyhi wasalam ( s.c.w) wuxuu ku dhintey  madiina isagoo 63 sano jira.

Nabiga salalaahu  caleyhi wasalam ( s.c.w) wuxuu dhalay 7 caruur ah

3 wiil iyo 4 gabdhood wiilasha magacyadooda waa 1- cabdulaahi 2-Qaasim 3-Ibraahiim

Gabdhaha magacyadooda waa 1-Faaduma 2-Zeynab 3-Ruqiyah 4-Umukaltuun

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Prophet Mohammed birth place

the white building with the brown windows is believed to be built on the birth place of the prophet Mohammed around 1433 years ago. It is now an old public library which is ironacly closed by the saudi govrenment!!

 

Meesha uu ku dhashay nabigeena suubanaay muxamed salalaahu caleyhi wasalam

Meeshaad waa Maktabadd hada dowladda wey xirtey intii muddo ah laakin markaad tagto makka waad arkeysaa inshalaah

 

 

 

 

 

 

 

 

 

            Nabi Maxamed S.c.w

Hisfather

Aabihiis Abdulaahi

His Mother

Hooyadiis Aamino

His Grand father Awoowgiis

Cabdulmudhalib

 

Abdulmudhalib

His Uncle

Adeerkiis Abii Dhaalib

His Wife

Xaaskiisa Khadiija

Ma