Waxaa maanta barqadii gaaray magaalada Baydhabo caasimada gobolka Bay wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha barlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan(Jawaari).
Wafdigan oo uu hogaaminayo Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa ka mid ah 50 Xildhibaan, Shan xubnood oo ka mid golaha wasiirada,Siyaasiyiin iyo Salaadiin intubana kasoo jeeda Qawmiyada Digil iyo Mirifle.
Wafdigan oo saaka ka ambabaxay Muqdisho ayaa waxaa sagootiyay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka,Ra’isulwasaaraha iyo Xubno Xildhibaano iyo wasiiro isugu jiray sidoo kale ayaa Wafdiga waxaa Baydhabo kusoo dhoweeyay Maamulka gobolka Baay,Malaaqyada KoonfurGalbeed,Siyaasiyiin iyo weliba Bulshada reer Baydhabo.
Halkan ka dhegayso
Riix Halkaan si aad u Dhageysato
Mobilkaaga ku dhegayso ]jinaay