Digil iyo Miriflaha London oo Caawa Ku Balansan Dood Wadaaga Tv-ga Universal iyo Ishabaydhaba oo Digniin Diraysa Posted by admin on Sep 25th, 2013

Digil iyo Miriflaha London oo Caawa Ku Balansan Dood Wadaaga Tv-ga Universal iyo Ishabaydhaba oo Digniin Diraysa  Posted by admin on Sep 25th, 2013

Barnaamishka ka baxa Tv-ga Caalamiga ah ee Universal uuna soo saaro Wariyaha Rugcadaaga ah Cawil Daahir Salaad ayaa caawa waxaa lagu balansanyahay in lagu gorfeeyo dhismaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo ay isaga hor imaan doonaan Digil iyo Miriflaha London iyo dadka kale ee wax ka dega lixda gobol.

Waxaana caawa Lagu Gorfeyn doonaa Qaabka Ugu Haboon Ee Dowlad Goboleed loogu sameyn doona lixda gobol ee kala ah Jubbada Hoose, Shabeelaha Hoose, Jubbada Dhexe, Baay, Gedo iyo Bakool, halka ay ka soo qeyb gali doonaan dad kale oo qaba fikir ka duwan kan Digil iyo Mirifle, kaas oo ah in wakhti xaadirkaan suurtagal aheyn dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ku haboon tahay Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Hadaba Akhristow Ishabaydhaba.com ayaa waxay Welwel xoogan ka qabtaa inay wax u dhacaan sidii kol hore ay wax u dhaceen oo Digil iyo Miriflaha London ay ka qeybgaleen Barnaamij looga doodayay dhibaatooyinka loo geysanayo Dadka Barakacayaasha oo badankooda ahaa DM.

Doodaas looga hadlayay dhibka loo geysanayay Barakacayaasha ayaa waxaa ka qeybgalay shakhsiyaad Digil iyo Mirifle ah kuwaasoo ay isugu jireen kuwa dafiray Dhibaatada loo geysto Barakacayaasha DM iyo Kuwa Difaacay.

Ishabaydhaba waxay uga digaysaa Digil iyo Miriflaha London inay ka feejignaadaan wax lamid ah wixii horey u dhacay.

Daawo Shakhsiyaadkii Digil iyo Mirifle ee Dafiray Dhibaatada loo geystay Barakacayaasha iyo kuwii Difaacay.