Gareth Bale ayaa ku faraxsanaa inuu ku soo laabtay inuu ciyaaro Champions League islamarkaana uu guul kula bilowdo kooxdiisa Real Madrid oo baadigoob ugu jirta koobkeedii 10aad ee Champions League. Real Madrid ayaa xalayto 6-1 ugu awood sheegatay kooxd Turkiga Galatasaray oo ay kuwada jiraan Group B, waxaana uu Bale sheegay inay ku faraxsan yihiin inay bilow sidaan oo kale ah ay sameeyaan. “Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano Champions League, waana wax fiican inaan sidaan oo kale ku bilaabano.” ayuu yiri Bale sida ay qortay Marca.“Sabtidii waxaan ciyaaray 60 daqiiqo, haatana waxaan ciyaaray 15 daqiiqo. Waxaan doonayaa inaan horumar sameeyo islamarkaana an si dhaqso ah kooxda u la qabsado” ayuu hadalkiisa raaciyay xiddiga reer Wales. waxaan aad ugu qanacsanaa cayaarta na dhaxmartey kooxda Galatasaray, runtii ma aha naadi fudud waa koox adag balse waxaan ugu adkaaney goolal badan
Gareth Bale: Waxaan Dooneynaa Inaan Ku Guuleysano Champions League.
