Guddiga dayactirka Masaajidka Baydhabo oo baaq u direy Umada Muslimiinta ah:-19/06/2013

Xili mudo ka badan 5-sano wax dayactir ah aan lagu sameynin Masaajidka Dabaqeynka ee Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay ayaa waxaa hada u kacay sidii Masaajidkaas loo dayactiri lahaa Gudi iskiisa isku abaabuley oo ka kooban ilaa iyo dhowr Xubnood oo kala duwan.

Xubnaha Gudigan ayaa ayaa waxaa Gudoomiye u ah Axmed Ibraahin Karbur Sidoo kale waxaa xubin ka ah Macalin C/fitaax Sheekh Xasan,Bashiir Xabashow,Fowzi C.nuur iyo Macalin Xaajow.
 
Hadaba Waxaa Muhiimada Gugiga loo aas aasey ka hadley Axmed Ibraahin Karbur oo ah Gudoomiyaha Gudiga waxaa uuna sheegay in markii ay arkeen baahida loo qabo dayactirka Masaajidka Carabta ee Magaalada Baydhabo ay is abaabuleen islamarkaana ay rabaan in la dayactiro Masaajidka.
 
Macalin C/fitaax Sheekh Xasan ayaa dhankiisa waxaa uu ugu baaqey dadka ku dhaqan Magaalada baydhabo iyo dadka Dibada ku nool ee kasoo jeeda Gobaladan iney gacan ka geystaan sidii loo dayactiri lahaa Masaajidka Dabaqeynka ee Magaalada baydhabo xili uu sheegay iney soo dhowdahay Bisha Soonka.
 
Hadaba Kala xariir taleefoonadan cidii dooneeysa iney ka qeyb qaadato dayactirka Masaajidka Dabaqeynk ee Magaalada Baydhabo.
 
1: Axmed Ibraahin Karbur 0615505817 Gudoomiyaha Gudiga Dayactirka masaajidka.
2: C/fitaax Sheekh Xasan Xubin kala xariir 0616462549
3: Bashiir Xabashow kala xariir 0615590121
4: Fowsi C.nuur kala xariir 0615515631