Gudiga ku shaqada leh dastuurka dalka Soomaaliya oo shakigii ka saaray warar waayahaan leesla dhex marayay:-22/06/2013

Gudiga ku shaqada leh dastuurka dalka Soomaaliya oo shakigii ka saaray warar waayahaan leesla dhex marayay:-22/06/2013

Gudoomiya ku-xigeenka Dastuurka iyo arimha Federal-ka u qaabishan Baarlamaanka, Xusen Warsame, ayaa waxa uu sheegay in ay been abuur tahay wararka isdaba joogga ah ee kasoo baxaaya Maamulka Puntiland ee ku adan in dastuurka dalka wax laga bedelay.

Xildhibaan Xuseen Warsame ayaa waxa uu yiri,”Baarlamaanku waxba kama bedelin dastuurka Qabyada ah ee dalka. Arintaas aniga ayaa cadeynaya. In wax laga bedelo hada waxaa diyaar u ah gudiga oo kulan ay yeesheen uu kasoo qeyb galay gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusman jawaari. Gudigeenna ayaa baarlamaanka u qabishan arinta dastuurka iyo Federalka. Wixii qalad ahna in laga saaro waa muhiim wixii in lagu daro ay lagama maarmaan tahaynya waa lagu soo darayaa”.

Hadlka xildhibaankaan ayaa waxa uu yahay mid meesha ka saaraya shakigii Puntiland ay waayahaan ka muujinayeen arinta la xariirta Dastuurka oo ay ku cel-celinayeen in wax ka bedel lagu sameeyay inkasta oo eedeynta ay dusha ka saerayeen madaxda qaranka oo aysanba soo hadal qadeyn baarlamaanka.

Horay ayaa Faroole oo ah Hogaamiya Puntiland waxa uu u yiri, “Dowlada Federalka waxa ay wax kabedeshay Dastuurkii dalka waana arin aan loo dul qaada karin”.

Si kastaba, hadalka gudoomiye ku-xigeenka gudiga Dastuurka iyo arimaha federal-ka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo barlamanka Puntiland ay sheegeen in iyagu ay dhawaan ka doodi doonaan dastuurka dalka arintaasi oo ay aad ula yaabeen dadka u dhuun daloola siyaasada dalka.

Email: info@wadannews.net

www.wadaninews.net