Gudigii Afurinta Saa'imiinta aan awoodin Afurka iney helaan ayaa waxay dib isu aruuriyeen oo ay bilaabi dooaan bisha Barakeysan ee Ramadaanka Afrurinta Dadka Aan Afurka Awoodin ee Baydhabo iyo nawaaxigeeda.
Xubnahaan Gudiga Afurinta oo shaqadaan wadey mudo ka badan toban sano ayaa waxay shaqadoodu tahay u raadinta dadka masaakiinta ah, sida Agoonta, Waayeelka, Dadka Musaafurka ah , Xirta Masaajidada iyo dadka reer magaalka ah ee ka xishoonaya gacan hoorsiga .
xubnaha gudigaan ayaa sidii caadadu aheydba waxay habeenada ugu horeysa ay dadka aan afurka heysanin siinayaan qaaraan ayaaga gudiga ah iska aruuriyeen waxaana dhameystirka Afurkaasi laga rabaa walaalaha muslimiinta ah ee Gudaha iyo dibada. hadaba Gudigaan ayaa waxay ka kooban yihiin Shan Xubnod oo kala ah:-
Email: info@wadaninews.net