Ishabaydhaba oo Heshay Magacyada iyo Beelaha Ay Ka Soo Kala Jeedaan Musharixiinta Ugu Cad-cad Madaxweyne-nimada Koonfur Galbeed Soomaaliya Sep 14th, 2013

Waxaa halkaan idinkugu soo gudbineynaa Toban kamid ah Magacyada Musharixiinta ugu cad cad Doorashada Madaxweynenimo ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ee dhawaan lafilayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Waxaan ka cudur daaraneynaa in aan dhamaan soo wada qaadan Karin Musharixiinta oo faraha ka batay owgeed, hadana waxaan soo qaadan doonaa kuwa ugu cad cad sida weyna loogu yaqaan gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya.

1-Madoobe Nuunow Maxamed (Digil iyo Mirifle /D/Dabarre)
2-Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti (Digil iyo Mirifle /M/Boqolhore)
3-Shariif Xasan Sheekh Aadan (Digil iyo Mirifle /M/Asharaaf)
4-Injineer Saalax Sheekh Cismaan (Digil iyo Mirifle /D/Geledi)
5-Xasan Xaaji Abuukar (Digil iyo Mirifle /D/Begedi)
6-Maxamed Nuur Sheekh C/laahi (Digil iyo Mirifle /M/Xariin)
7-Ganacsade Cali Wardheer (Digil iyo Mirifle /M/Leysaan)

Waa Ninka Ugu Cad-cad, Taageero weyna ka heysta Beeshiisa
8-Aweys Sheekh Muxudiin (Digil iyo Mirifle /M/Eelaay)
9-Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe (Digil iyo Mirifle /M/Hadame)
10-Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim (Digil iyo Mirifle /D/Jiido)

Intaan iyo in kabadan ayaa u Sharaxan Jagada Madaxweynenimo ee Koonfur galbeed Soomaaliya oo ka dhici doonta magaalo madaxda gobolada Koonfur galbeed ee Baydhabo Janaay, inkastoo wali lagu mashquulsan yahay soo xulista Xubnihii Baarlamaanka ee dooran lahaa Madaxweynaha Koonfur galbeed.