Wararka Dibada: Daawo Gabar Brazil ah oo Iyadoo ku Labisan Taajka Arooska Cayaaryahan Balotelli ka Dalbatay in uu Guursado (Dhacdo Yaab Leh)22/06/2013

Warbaahinta iyo dad badan oo ku sugnaa garoonka ciyaaraha ee magaalada Recife ayay layaab ku noqotay dhacdo ay ku kacday gabar u dhalatay dalka Brazil, oo tarabuunka soo gashay iyadoo toobka Arooska ee Taajka loo yaqaano ku labisan, ka dibna bilowday codsi ay weerar yahanka reer Talyaani ee Mario Balotelli kaga codsanayso inuu guursado.

Dhacdadan oo dadka badankooda ka yaabisay ayaa ku soo beegantay kulankii ciyaar dhex maraysay labada waddan ee Talyaaniga iyo Jabaan, waxaanay gabadhaan iyo dad badan oo galbinayay si fool ka fool ah u soo fariisteen tarabuunkii laga taageerayay ciyaar yahanada xulka dalka Talyaaniga, waxaanay halkaas ka wadeen hawshoodi codsiga guur ee gabadhaasi.

Dadka la socday gabadhaan ayay ka mid ahaayeen qof loo malaynayo hooyadeed iyo dad kale oo isla qoyskooda ah, waxaanay arrimahaas oo dhami dhacayeen wakhti garoonka iyo isla tarabuunka ay ku sugnayd gabar reer Belgium ee ay isku cumdan yihiin laacibka khadka hore uga ciyaaraha xulka Talyaaniga ee Mario Balotelli, Fannie Nagisha, waxaanay sheegtay in ay dagaal ka xigto haddi gabadhaas reer Brazil isku daydo in jacaylkeeda ay ka afduubato.

Faysal Maxamed Xasan Email: info@wadaninews.net

www.wadaninews.net