Group G waa mid ka mid ah guruub-yada ugu jilcan sanadkan, waxaana hor boodeysa kooxda reer Portugal ee FC Porto oo ay ku wehliyaan kooxaha Atletico Madrid, FC Zenit iyo Austria Wien. Kooxda Atletico Madrid ayaa caawa la ciyaareysa kulanka furitaanka kooxda reer Ruush ee FC Zenit, iyadoo labada koox mid walba guul uu ku billaabo ay u tahay muhiim. Macallin Diego Simeone oo garoonkiisa ku ciyaaraya caawa ayaa doonaya in uu Atletico horumar dhanka Champions League-ga ah gaarsiiyo kadib markii kooxda guulo waaweyn ay ka gaaratya tartanka kale ee Europa League sanadihii u dambeeyay, caawo ay wada cayaari doonaan kooxda FC Zenit oo ka socota Ruushka waana koox aan ka yareysan kooxda Atletica madrid waana koox qaab cayaareedkeeda aad u sareeyo dhowr jeerna ka soo qayb gashey kulmada championa legau, balse labada ma sahlana qaab cayaaroodka kooxda atletico oo haysata cupka lagu magacaabo,Copa Del Rey Spain ayaa guulo wanaagsan ku billowday horyaalka Spain xilli-ciyaareedkan, iyadoo 12 dhibic ka heshay 4 kulan isla markaana wax ka hoggaamineysa horyaalka xilligan.
Kooxda Atletico madrid ayaa waxaa ka maqan oo aan cayaari doonin Radamel Falcao oo ku biiray kooxda Monaco balse tabaraha kooxda ayaa sheegay inuu u dhutin doonin taas , oo jaceyl yahey inuu ku bilaabo guul, waxay la soo shir tagi doonaan kooxda laacibka ay ka soo gateyn barceloone David Villa oo ka cayaari doona dhinaca weerarka FC Zenit ayaa raadineysa horumar dhanka tartankan ah, iyadoo ugu yaraan rajeyneysa inay xoogaa ka sara marto heerkii sanadkii hore oo ay wareegga koowaad dhaafi weysay balse qaab cayaareedkeeda wax wayn ka soo badashey dhabtii aan sidee hore aheyn si ka duwan la soo shir tagi doonta
Kooxda FC Porto waxey u safri doontaa kulanka kale ee qeybtan kooxda Austria Wien oo ah kooxda kaliya ee markii ugu horreysay tartankan ciyaareysa balse qaab cayaareedkeeda an xumeeyn oo ka rajo qabto inay us oo gudubto wareega labaad ama ay soo istaagto meel wanaagsan
mar hadii ay ku xisaabtimayaan kooxa waawaayn inay qaadaan koobka rajo wayna ka qaba balse Austria Wien ma xumo dhinaca qaabka cayaarteeda
FC Port waa naadi wayn dhinaca naadiga ay caawo la cayaareyso hadii loo fiiriyo waa naadi awood badan lah dhowr jeerna soo baxey
kana qayb qaatey cayaaraha Championka