Madaxweynaha Koofurta Afrika Jacob Zuma oo hortagay Baarlamanka dalkiisa ayaa sheegay inaysan jirin dilalka loo geysanayo ajaaniibta ku nool wadankiisa xilli ay sii kordhayaan Dilalka iyo boobka joogtada ah oo ay Burcad koofur Afrikaanku ku hayaan Soomaalida ku ganacsata Koofur Afrika.
Madaxweynaha koonfur Africa ayaa sheegay inaan wax dhibaato ah lagu heynin ajaanibta ku sugan dalkiisaa gaar ahaa Soomaalida halkaasi ganacsiga ku leh, kadib markii uu hotgayay Barlamaanka dalkaasi, su’aallaha ay ka weydiiyeen arrimahaasi.
Jey Cobsuma madaxweynaha dalka Koonfur Africa oo su’aalo dhowr ah laga weydiiyay dhibaatooyinka lagu hayo dadka Ajaanibta ah ee wadankaasi ku sugan ayaa sheegay in hadalka sida loo dhigayo uusan aheyn, laakin ay jiraan dhacdooyin mararka qaar iska dhaca, kuwaasina xal loo heli doono.
“Ajaanibta Koonfur Africa ku sugan, dhammaantood si isku mid ah ayaa loola dhaqmaa, Soomaalidana waxba kuma duwna dadka kale, ilama aha in ay la kulmaam dhibaatooyin waa weyn, laakin waxaan qirayaa in ay jiraan weerarro mararka qaar ay la kulmaan, kuwaasina xal ayaa loo heli doonaa” ayuu yiri madaxweyna Koonfur Africa.
Madaxweynaha Koofur Africa su’aalaha Barlamaanku ka weydiinayay sida xun ee Ajaanibta loola dhaqmo ayaa uga weenayd, rabshadaha ka dhex taagan dadk dega gobollada kala duwan ee waddankaasi, isagoo carabka ku dhuftay in qorshe ballaaran ay ugu talagaleen sidii arrimahaasi wax looga qaban lahaa, laakin ma uusan sheegin wax cad oo xal u ah dagaalka lagu hayo ajaanibta ay ay ugu horreeyaan Soomaalida.
Hadalka madaxweynaha Koonfurta Africa ayaa walaac hor leh sii galinaya Soomaalida ku sugan waddankaasi oo la kulanta dhibaatoojin aan loo meel-dayin, iyadoo laba cisho ka hor la boobay kaddibna dab la qabadsiiyey 30, Dukaan oo ay dad Soomaali ah lahaayeen, cidna aysan ka jawaabin ficiladaasi xun ee dadka Soomaalida ah ku dhacaya.
Email: info@wadaninews.net