Maxaadaradii labaad oo xalay lagu qabtay Masjidka Madiina ee magaalada Burco (Dhageyso)03/07/2013

Burco:-Waxaa habeenkii labaad ka socoda Masjidka weyn ee Jaamicul Madiina ee magaalada Burco nadwo cilmiyeed cinwaankeeda uu yahay Qadaayaa dacawiya al mucaasira waxaana muxaadaradii labaad galay Sheekh Dr.Xasan Sheekh Cali Warsame waxaana uu sheekhu ka dhigay cinwaanka muxaadaradiisa Dawaabidda Tabdiica.

Nadwada ka socota magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Culimo iyo Arday ka socotay Jaamicatul madiina al munawara oo haatan socdaal dacwadeed ku jooga magaalada Burco.

Sheekh Dr.Xasan Sheekh Cali Warsame ayaa si wanaagsan uga hadlay Dawaabidda Tabdiica waxaana uu Sheekhu si qota dheer u taabtay daahiro ku dhex muuqata saxwada Islaamka taas oo ah bidceynta iyo kali la noqashada Salfiyada .

 

Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada uu xalay ka jeediyey Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame Dawaabidda gaalaysiinta

 

Ama RiiX HalkanSi Aad u Dhageysato Muxaadarada  Mp3

info@wadaniews.net

www.wadaninews.net