Meydadka Dagaalyahannadii Weeraray UNDP oo la soo saaray iyo Maamulka G.Banaadir oo ka hadlay+Sawirro:-20/06/2013

Wararka aan ka heleyno Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho oo shalay uu ka dhacay weerar xoogan ayaa waxa ay ku soo warramayaan in saaka halkaasi laga soo saaray Meydadka illaa 6 ka mid ah Dagaalyahannadii shalay weerarka ku qaaday Xaruntaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta ku sugan kuwaasi ooo soo saaray Meydadkaasi.

Xarunta ayaa waxaa sidoo kale soo gaaray Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Max’ed Yuusuf iyo Xoghayaha Maamulka C/kaafi Hilowle Cismaan.

Xoghaya Maamulka Gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay oo uu sheegay in uu ahaa mid wuxuushnimo oo dhalinyaro la soo qalday ay fuliyeen.

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo isna la hadlay Saxaafadda ayaa tibaaxay in dhalinyarada weerarkii UNDP fulisay la baaray islamarkaana la soo duray sida uu hadalka u dhigay Cirbado miirkooda lumiyay ee ku xambaaray in Nafsadooda ay halligaan sida uu hadalka u dhigay

Sikastaba Kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weeraro qarxyo iyo dagaal toos ah ku soo qaaday Xarunta Qaramada Midoobay ugu weyn ee ay ku leedahay Magaalada Muqdisho weerarkaas oo geystay Khasaaro Xoogan oo isugu Jirta dhimasho iyo dhaawac.

 

IMG_5445 IMG_5417 IMG_5421 IMG_5422 IMG_5425 IMG_5426 IMG_5428 IMG_5431 IMG_5432 IMG_5435 IMG_5437 IMG_5440