NASABKII RASUULKA SCW

NASABKII RASUULKA SCW

NASABKII RASUULKA SCW

Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan; Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex dabaalan.

Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan:

Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.

Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.

Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo Cabdimudhalib iyo Shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.

Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqalgalay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu ku yiri "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii ku dheheen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.

Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil lakalal oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas, Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma. Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.

DUULLAANKII ABRAHA UU KU SOO QAADAY KACBADA

Abraha oo ahaa nin xabashi ah oo yaman wakiil uga ahaa boqorkii xabashida ayaa markuu arkay sida carabbi kacbada ugu xajineyso waxaa galay maseyr markaasuu magaalada Sanca ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu carab ka jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen.

Arrintii ayaa waxaa maqlay Nin reer bani kinaana ah markaasuu kaniisaddii tegey oo qibladeedii wasakheeyey. Abraha markuu arrintaa ogaadey wuu ka xanaaqay wuxuuna go'aansaday inuu kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay ciidan gaadhaya 60,000 oo askari oo wata sagaal ama saddex iyo toban maroodi, maroodigii ugu weynaana isaga ayaa saarnaa. Abraha iyo ciidankiisii waxay soo socdaanba markay Makka ku soo dhow yihiin ayey geel Cabdimudhalib lahaa qabsadeen markaasaa Cabdimudhalib ergo ugu tegey isagoo doonaya in geeliisii loo soo daayo. Abraha wuxuu yiri: "kacbadiinnii ayaan duminayaa, adna geel baad dooneysaa!" Cabdimudhalib wuxuu ugu jawaabey: "geela anigaa leh, kacbadana Rabbi baa leh isagaan kaa difaacanaya" wuxu markaa Abraha yiri "haddii aydan ila dagaallamaynin Makka isaga baxa" qureyshna sidii ayey yeeshay, geeliina waa loo sii daayey Cabdimudhalib.

Ka dib markuu Abraha soo gaaray togga Xasar ee Musdalifa iyo Mina u dhexeeya ayaa maroodigii istaagey oo diiday inuu u dhaqaaqo dhinicii kacbada, marka dhinaca kale loo jeediyana waa ordayey. Xaaladdu markey muddo sidaa ahayd ayaa Ilaahay markii dambe u soo diray shimbiro mid walba waddo saddex dhagax oo ay ku kala waddo afka iyo labada lugood. Ninkii uu dhagaxaasi ku dhacana wuu googo'ayey oo wuu dhimanayey. Dhagaxaantii dadkii dhammantood kuma wada dhicin ee waxay ku dhacday intuu Rabbi u qaddaray, intii kalena waa carareen iyagoo isjiiraya. Ninkii Abraha ahaa isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegey Sanca oo uu ku dhintay. Qureysh oo markii ciidanku yimid buuraha ku kala carartay, markeey Abraha iyo ciidankiisii waxa qabsaday arkeen ayey guryohoodii ku soo laabteen. Qisadan waxaa ka warrantay suuratul-Fiil waxayna dhacday sannadkii uu Rasuulku SCW dhashay. waxaana loo bixiyay sannadkaas; sannadkii maroodiga (Caamul fiil).

QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB

Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri: "Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano." Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka diidey arrinkaa oo wuxuu yiri: "mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay". Muddo markii la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go'aansaday in loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday. Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka go'een markaasey raggii kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada dhintaan.

Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu meeshay marayso iyo inay halis ku jiraan, meesha ay marayaanna ay tahay saxaraa wax ka dhowna uusan jirin, ayuu ku yiri raggii jifadiisa ahaa "nin walba qabrigiisa ha qoto hana dul fariisto, hadba kii dhintana waa aasaynaa". Sidii ayey yeeleen laakiin markay muddo joogeen ayaa Cabdimudhalib yiri "ma wanaagsana inaan meeshan iska fadhino ee aan soconno". Markuu hashiisii fuulay oo ay dhaqaaqday ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay lugta ka qaadday, biyihii ayuu cabbay dhammaan raggii qureysh ee la socdeyna wuu ugu yeeray. Markay kulligood cabbeen, weelashiina ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku yiraahdeen" Ilaah baan ku dhaarannaye arrinkii waa laguu xukumay, dib dambana Samsamka kugula doodi mayno, Ilaahii meeshaan saxaraha ah biyaha kaa siiyey yaa Samsamkana ku siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba habar u tegi maynee".

Markaa ayuuu Cabdimudhalib wuxuu ku nadray in haddii Ilaahay toban wiil siiyo oo ay wada hona qaadaan uu midkod Kacbada agteeda Alle darti ugu gowraco, halkaas ayaa markaas dib looga soo laabtay, meeshii markii hore loo socday.

Cabdimudhalib markii Ilaahay tobankii wiil siiyey oo ay wada hanaaqaadeen ayuu isugu yeeray oo u sheegay nadarkiisii, markay ku wada raalli noqdeenna sanamkii Huda ahaa ayuu ag geeyey una qori tuuray tobankoodii markaasaa waxaa soo baxay qorigii Cabdullaahi oo ahaa wiilkii uu carruurtiisa ugu jeclaa, Cabdimudhalib middi ayuu soo qaatey, wiilkiina gacanta ayuu soo qabsaday oo kacbada dhinaceeda la aaday si uu u gowraco hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay oo u diiday inuu gowraco siiba abtiyaashiis reer bani makhsuum, Cabdimudhalib wuxuu yiri sidee baan nadarkaygii yeelayaa, markaasay kula taliyeen inuu aado habar wax sheegta. Habartii markuu u tegey ayey ku tidhi "magtiinnu waa meeqa?" markaasuu ugu jawaabay "toban halaad", ka dib ayey tidhi "toban halaad iyo isaga u qori tuur, haddii ay tobanka halaad soo baxaan gowrac, hadduu isagu soo baxana geelii kordhi oo toban kale ku dar. Ka dib sidaa geela u kordhi oo hadba toban ku dar ilaa uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli noqdo". Cabdimudhalib waa soo laabtay wuxuuna u qori tuuray toban halaad iyo wiilkii hase yeeshee waxaa qorituurkii ku dhacay Cabdullaahi, ka dib geelii ayuu hadba toban ku darayey qorituurkuna ku dhacayeye Cabdullaahi illaa uu gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori tuurkiina ku dhacay geelii. Ka dib Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa.

Markaa wixii ka dambeeyey magtii qureysheed ee tobanka geelo ah ahayd waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna markuu yimid boqolkii ayuu u sugay, oo uddaayey, Rasuulka SCW wuxuu yiri: "Anigu waxaan ahay ina labo gowrac" oo uu ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis Cabdullaahi.

Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la midka ahba ka fahmeynaa sida qureyshu ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee shirki iyo inxiraaf galay, arrimo badanna waxay ku dhaameen dad badan oo maanta islaamka u nasab sheeganaya. Arrimahaas oo aannaan halkan ku koobi karin oo u baahan in iyaga kaliya qoraal ama baaritaan laga sameeyo waxaa tusaale inoogu filan sida markay dhib ku timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi jireen ama siday ballanta u ilaalin jireen ammaanadana u xifdin jireen, beentana uga xishoon jireen, nadarkana u oofin jireen. Waxaana xaqiiqa ah in dad badan oo maanta islaamnimo sheegnaya aanan arrimahaas oo dhan laga wada helaynin aysanna nadar oofintiis u gowracayn ilmohooda ama boqol geel ah.

Cabdullaahi, oo sidaan soo sheegnayba ahaa nebiga aabbihiis, waxaa hooyadiis la odhan jirey Faadumo bintu Caa'id binu Cimraan binu Makhsuum. Cabdullaahi wuxuu guursaday Aamino bintu Wahab binu Cabdimanaaf binu Suhra bin Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada Makka, muddo yar ka dibna, Aamino oo uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo aadey Madiina, halkaas oo uu ku geeriyoodey. Da'diisu waxay markaas ahayd 25 sano.

Abdul A.K.

DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW

Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.

Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah". Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: "Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa", isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo tartiibi". Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen, xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacadoodii: "soo daajiya xoolaha meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du'ayd daajiyaan.

Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jirey isagoo weli la jira Xaliimo ayaa maalin isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar markaasuu ku yiri: "tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu dhaqay yuu meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii oo ku yiri: "Maxammed waa la dilay", markaasey u yimaadeen isagoo miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey reerkii go'aansadeen iney hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.

Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano ka gaarey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo booqato qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yiraahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey. Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa uu ka hanaqaaday.

QISADII BAXIIRA

Markuu Rasuulka SCW 12 sano jirey ayaa adeerkiis Abii-dhaalib iyo rag kale oo qureysh ka mid ah ay safar ugu kicitimeen dhinaca Shaam, wuxuu markaa Rasuulku scw ka codsadey adeerkiis inuu raaco, adeerkiisna waa uu ka yeelay. Dabadeed markuu safarkii baxay waxaa uu sii maray meel la yiraahdo Busra oo ay safarrada qureysheed ee Shaam u socda sii mari jireen uuna degganaa nin raahib (suufi) ahaa oo Baxiira la oran jiray heystayna diinta masiixiga, cilmina u lahaa waxyaalihii uu ilaahay ku sheegay Tawreet iyo Injiil.

Ninkaas raahibka ah safarrada qureysheed waa ag mari jireen danna kama geli jirin; laakiin maanta waxaa uu arkay calaamooyin ku saabsan wiilkan yar oo safarka la socda, calaamooyinkaas oo kutubtii hore lagu sheegay, markaas
ayuu ninkii martiqaad u sameeyey safarkii oo dhan. Waa ay la yaabeen waxayna yiraahdeen "weligayo waannu ku ag mari jirney martiqaadna nooma aadan samyn jirin ee maanta maxaa jira?", wuxuu ku yiri waa sax laakiin marti baad tihiine imaada. Markii ay u yimaadeen wuxuu yiri "Ma cid baad ka soo tagteen?", waxay ku jawaabeen yar ayaannu rarkii uga soo tagnay. Baxiira ujeeddadiisu waxay ay ahayd wiilka yar markaasu ku yiri "u yeera gabanka".

Markii la qadeeyey ayuu Baxiira su'aal weyddiiyey Abii-dhaalib oo uu ku yiri "wiilkan mxaad u tahay"? wuxuuna ugu jawaabey "Aabbe ayaan u ahay". Baxiira waxa uu yiri "suurogal maaha in wiilkan aabbihiis nool yahay ee maxaad u tahay?". Abii-dhaalib waxaa uu yiri "Adeer baan u ahay", intaa ka dib Baxiira wiilkii ayuu gees ula baxay wuxuuna weyddiiyey su'aalo, ugu dambeyntiina wuxuu ka arkay khaatumkii nebinimda oo nabiga scw garbihiisa dhexdooda ku yaalley.

Baxiira wuxuu ku yiri Abii-dhaalib "wiilkani arrin weyn ayuu yeelan doonaa, waxa aan anigu ka fahmeyna haddey nimanka yahuudda ihi ka fahmaan waa ay dilayaan ee ku celi magaaladiisii kana ilaali yahuudda", Abii-dhaalib markii uu alaabtiisii soo gateyba si degdeg ah ayuu ugu soo rogmaday Makka. Markaas ka dib waxaa uu Rasuulku SCW Makka ka baxay hal mar oo kale illaa hijrada laga gaarey. Rasuulka SCW markuu soo barbaaray waxa uu bilaabey inuu buuraha Makka ariga ku ilaaliyo.

GUURKII KHADIIJA

Markuu Rasuulka SCW 25 sano gaaray wuxuu guursaday Khadiija bintu Khuweydlad. Khadiijo waxay ahayd qof maalqabeen ah quruxna leh oo ka sheegganayd haweenkii qureysheed, waxayna da'deedu ahayd markaas 40 sano. Ka hor waxay soo guursatay nin ay laba carruur ah u soo dhashay. Khadiijo maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey si uu ugu tijaareeyo waxayna wax ka siin jirtey faa'iidada. Waxay maqashay Maxammed binu Cabdullahi scw runtiisa, dabeecaddiisa wanaagsan iyo ammaanadiisa oo Makka oo dhan caan ka ahayd oo loogu magac daray loona bixiyey Maxammed Aammiin. Markaas ayey u yeertay Nabiga SCW una soo badhigtay inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo. Rasuulka SCW waa uu ka yeelay oo tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku dartay wiil u joogey oo la yiraahdo Maysara.

Nabiga SCW iyo Maysara waxay xoolihii u qaadeen Shaam halkaas oo uu Nebiga SCW ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey isla markaasna wuxuu soo gaday wixii Makka looga baahnaa. Faa'iido aad u badan ayuu Nebiga SCW Khadiijo u soo hooyey taasoo u keentay kalsooni dheeraad ah iyo in ay aragtay ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka SCW.

Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo waxyaabo mucjiso ah oo uu Nebiga SCW ku arkay, sidaa daraadeed Khadiijo markay ka aragtay Nebiga SCW arrimahaas iyo waxa la midka ah, waxay Rasuulka SCW u soo bandhigtay iney is guursadaan. Rasuulka SCW wuxuu la soo tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen weyna u dooneen oo labadii eheyl ayaa isku yimid, halkaas ayaana Rasuulka SCW loogu meheriyey Khadiijo.

Khadiijo, oo uu Nebiga SCW qabay ilaa uu 50 sano dhaafay, waxay Nebiga SCW u dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariyatul Qibdhiya. Waxayna Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo la oran jirey Dhayib iyo Daahir) iyo afar gabdhood oo la kala oran jirey: Seynab, Ruqiyo,
Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase yeeshee gabdhihii way hanaqaadeen oo islaamka ayey la kulmeen weyna wada islaameen.

Gabdhaha waxaa loo kala guursaday sidatan: Seynab waxaa guursaday Abil Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa kala guursaday laba wiil oo Abii lahab oo Nebiga SCW adeerkiis ahaa uu dhalay. Ninkaas oo Rasuulka SCW aad u dhibay caqabadna ku noqday dadkii iney islaamka qaataan ayaa markay soo degtay suuratu lahab wuxuu, Abii lahab u yeedhay labadiisii wiil wuxuuna ku yiri: "u fura Maxammed labadiisa gabdhood" wayna fureen ka dibna waxaa labadii gabdhood iska daba guursaday Cismaan binu Cafaan oo ay labadiiba k dhinteen; Faadumo waxaa iyada guursaday Cali bin Abii Dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis.

Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka wada hor dhinteen Faadumo oo lix bilood ka dambeysey maahane, waxaana carruurtiisa ugu waynaa Qaasim, waxaa ku xigtay Seynab, waxaa ku xigtay Ruqiya, waxaa ku xigtay Umu-kalthum, waxaa ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah khadiija. Rasuulka scw carruurtiisu waxa ay dhasheen Naginimada ka hor Cabdullaahi iyo Ibraahim maahane, Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in uu nabinimada ka hor dhashay iyo in uu ka dib dhashay, waxaase loo badan yahay in uu Nabinimada kadib dhashay. Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii 8aad ee hijriga waxaana dhashay maariyatul qibdhiya saan soo tilmaanayba.

DHISITAANKII KACBADA

Sida la sheego waxaa la yidhaahdaa kacbada waxaa dhisay malaa'ig ama Nebi Aadam laakiin Qur'aanka iyo axaaddiista midna kama hadlin arrinkaas, sidaa darteed waxaa xaqiiqo ah oo Qur'aanka iyo axaaaddiistuba sheegeen in Nabi Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil ay dhiseen. Waqtigii qureysheed, Nebiga oo 35 sano jira ah ayey qureysh waxay dheheen kacbadii maaddaama ay duugowday waa in aan dhisnaa oo aan maal u ururinaa, waxayna isku dhaarsadeen in aysan kacbada ku dhisin illaa wax xalaal ah maahane iyo in aysan gelin naag saaniyad ah xoolaheeda iyo xoolo Riba ah iyo wax qof bani aadam ah laga dulmiyey.

Nimankii qureysheed markii ay kacbada dhisaayeen waxaa ka go'ay xoolihii xalaasha ahaa ee ay haysteen sidaa daraaddeed waa ay ka soo soka mariyeen kacbada dhismihii Nabi Ibraahim labada tiir ee Shaam xigay. Markii ay dhismihii dhammeeyeen ayey isku khilaafeen ciddii xajarul-aswadka booskiisii dhigi lahayd maxaa yeelay qabiil walba wuxuu rabay inuu isagu magaca qaato.

Markuu arrinku qir iyo qir daadhey ayey waxay go'aansadeen qofka ugu horreeya ee albaabkaas ka soo galaa inuu kala saaro. Nasiib wanaag qofkii ugu horreeyey ee albaabkii ka soo glay wuxuu noqday Nabiga SCW markaas bay ku farxeen oo waxay dheheen waa Max'ed Aammiin kulligayo raalli baan ka nahay. Arrinkii bay Nagiba SCW u sheegeen markaas buu wuxu yir: "ii keena go", markii go'ii loo keenay buu yiri: "qabiil walba nin ha keeno" markii qabiil kasta nin keenay ayuu dhagaxii go'ii ku dhex riday nin walbana uu dhinac qabtay, markii meeshii la gaarsiyeyna intuu kor u qaaday ayuu saaray.

Arrintaan oo kale meelaha ay qureyshtu ku dhaantey dad badan oo maanta islaam u nasab sheeganaya maxaa yeelay qureyshi waxay garatay in cibaadada Alle iyo beytkiisa aan lagu dhisin xoolo xaaraam ah laakiin in badan oo muslimiin ahi waxaa laga yaabaa ineysan taas fahmin oo cibaadada ilaahay ay xaaraam u adeegsadaan, wax badan oo khayr ahna ay xaaraam geliyaan sida masaajiddada iwm.

Sidoo kale Ilaah way rumeysnaayeen, sida marka la yidhaahdo yaa abuuray cirka iyo dhulka, idinkana yaa idin irsaaqa, roobkana yaa keena waxay dhihi jireen "Allaah". Asnaamtana waa ay ogaayeen in aysan Ilaahyo ahayn laakiin waxay u sameeyeen suurado dad wanwanaagsan sida Nabi Ibraahiim iyo Nabi Ismaciil waxayna dhihi jireen Ilaah baannu ugu dhowaaneynaa, sida maantaba dadka u yiraahdaan awliyada Ilaah baannu ugu dhawaaneynaa. Sidoo kale markay ku safraan badda oo dhibi ku timaaddo Ilaahay ayey baryi jireen, laakiin maanta dad muslimiin sheeganaya ayaa hadday dhibi ku timaaddo awliyada keliya baryaya ama Ilaah iyo awliyada amaba Ilaah iyo Nabiga SCW.

SOO DIRITAANKII RASUULKA SCW

Markii ugu horreysey ee Rasuulka uu waxyiga ku bilaabanayey waxaa lagu bilaabay riyo wanaagsan oo hurddada ugu imaaneysey oo u cad sida oogga waabberi oo kale. Riyaadaas waxay socotey muddo lix bilood ah Rasuulku SCW wuxuu jecleystey inuu meel gaar ah ku cibaadeysto wuxuuna tegi jirey god la yiraahdo Qaaru Xiraa oo ku yaalley buurta Nuur oo Makka laba mayl u jirta, halkaas oo uu soo joogi jirey habeeenno intuu sahaydiisa (cuntaddiisa)

qaato, waxaa uu Rasuulka SCW ku cibaadeysan jirey iney diintii Nabi Ibraahiim aheyd iyo in kale ma kala cadda, laakiinse waxaa cad in shirkigii iyo asnaamtii taalley Khaliijul-carab uu ilaahay ka dhowray uuna nacay.

Wuxuu Nagiba SCW hadba sahaydiisa qaato oo uu godkaas ku khalweeyaba, maalinkii dambe ayaa Malag u yimid wuxuuna ku yiri: "akhri", markaasuu Nabigu SCW ku yiri: "wax ma akhriyo", ka dib intuu qabtey oo majuujiyey ayuu mar labaad yiri: "akhri" Nabiguna wuxuu yiri: "wax ma akhriyo", mar saddexaad intuu qabtey ayuu yiri: "ku akhri magaca Rabbigaagii abuuray (koonka), akhri Rabbigaana waa kan sharafta lehe, oo baray (dadka) qalimka, dadkana baray waxaysan ogeyn). (Suuratul-Calaaq 1-5) Markaasuu Rasuulku ka daba akhriyey, intaa ka dibna malagii waa uu tegey.

Rasuulku SCW isagoo naxsan oo wadnihiisu boodboodayo ayuu gurigiisii yimid markaasuu ku yiri xaaskiisii Khadiija: "I deda I deda" iyana wy dedday ilaa uu argagaxii ka tegey, markii naxdintii ka ba'day ayuu qisadii u sheegay Khadiija kuna yiri: "naftayda ayaan maanta u baqay" markaasay tiri: "ilaah baan ku dhaartaye Alle ku hoojin maayo weligaa mxaa yeelay martidana waad soortaa, xaqana waad u kaalmaysaa", markaa ka dib ayey Khadiijo wadday Rasuulka SCW waxayna u tageen Waraqata ibnu Nawfal oo ahaa Khadiijo ina adeerkeed, diintii Nebi Ciisena haystey ahaana nin oday ah oo aad u da'weyn oo indho la'kuna turjumi jiray kitaabka Injiil luuqadda Carabbiga. Markay u tegeen ayaa Khadiijo tiri: "ina adeer bal dhegayso wiilka aad adeerka u tahay", Waraqa wuxuu Nabiga ku yiri: "maxaad aragtay?" markaasuu Rasuulku SCW u sheegay qisadii. Waraqa markuu qisadii dhegaystey ayuu fahmay arrintii wuxuuna yiri: "kaa kuu yimid waa kheyr wadihii Nabi Muuse u imaan jirey" wuxuuna intaa sii raaciyey "shallaytadeydee maan noolaado marka qoomkaagu ku bixinayo".

Rasuulka SCW waxa uu la yaabay wanaagga iyo jaceylka uu dadkiisa dhexdiisa ku leeyahay iyo hadalkan ah Makka ayaa laga saari doonaa, markaasuu yiri: "oo ma i bixinayaan", Warqaa wuxuu yiri: "Haa, qof lama imaan waxa aad la timid ilaa waa lala colleytamay, haddii aan maalinkaa gaarana waan kuu gargaari" hase yeeshee Waraqa markaa ka dib muddo badan ma sii noolaan, waxyigiina waa is raacraacay. Ka dib Rasuulka SCW waxyigii muddo ayuu ka kala go'ay si argagaxu uga tago, debadeed wuxuu yiri Rasuulka SCW: "anigoo soconaya ayaan samada markaan arkay malaggii Qaaru Xiraa iigu yimid oo kursi ku fadhiya samada iyo dhulka dhexdooda markaasaan ka argagaxay ilaa aan dhulka ku dhacay.

Ka dib reerkaygii ayaan u tagay oo ku iri: "I dede i deda" markaasay i dedeen. Alle ayaa markaa soo dejiyey aayadahan: "(NABIGA) IS DADAYOW, KAC OO DIG RABBIGAANA WAYNEE, DHARKAAGAN DAAHIRI, WAXA XUNNA KA HIJROOD" (sida asnaamta) (Suurat Al-Mudathir)

HABABKII UU WAXYIGU UGU IMAAN JIRAY RASUULKA SCW

wuxuu waxyigu ugu imaan jiray Rasuulka SCW toddoba nooc oo kala ahaa sidatan:

1) Riyo wanaagsan oo hurdada ugu imaanaysay, taasoo u caddayd sida oogga waabberi waana tii waxyigu ugu bilaabmay.

2) Arrimo uu malaggu qalbigiisa ku rido isagoon malagii arag.

3) Malagga ayaa nin isugu soo matali jiray oo la hadli jiray ilaa ay mararka qaarkood asxaabtu ka arkeen.

4) Waxyiga ayaa ugu imaan jiray sida qaylada gambaleelka waxayna taasi ahayd habka ugu daran Rasuulka SCW ee waxyiga ugu imaan jiray oo wuu dhididi jiray.

5) Malagga ayaa ugu imaan jiray suuraddiisii Alle abuuray oo u waxyoon jiray, waxayna arrintaani dhacday labo jeer sida ay tilmaantay suuratu Wannajmi.

6) Alle ayaa uga waxyooday samawaadka dushooda sida habeenkii la dheelmiyey ee salaadaha lagu soo farad yeelay Alle ayaa toos ula hadlay siduu Nabi Muuse ula hadlay.

DADKII DIINTA UGU SOO HORREEYEY

Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu wataacaalaa soosaaraymas'uuliyaddaa weynanka badan oo ah mid qof bini aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una baahan juhdi, dadaal iyo sabir, waxa uu bilaabay u qumitaankeedii isagoo ka bilaabaya meeshii laga soo direy ee Makka oo ahayd xaruntii diinta ee carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii ku noolaana ahaayeen dad aad uga fog xaqa iyo islaamka. Wuxuu markaa Rasuulku SCW markii ugu horreysey dacwadii ku bilaabay si qarsoodi ah maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd haddii uu markii u horreysey kala dhex kici lahaa inay dhib u keeni lahayd dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka ah ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa inuu bilowgii dacwada qarsoodi u guto, waxayna dacwadu sidaa ku soo socotey saddex sano.

Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada ka bilaabay ehelkiis (gurigiisa), qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii ugu kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku yaqaanney isna lahaa wey ajiibayaan xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday dadkii ugu horreeyey ee islaamka qaatay xaaskiisii Khadiijo bintu Khuweylad, saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii Seyd binu Xaarith iyo ina adeerkiis Cali binu Abii-dhaalib oo wiil yar ahaa.

Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa nin magac iyo sharaf ka leh Makka dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah ayaa markuu xaqa qaatey waxa uu sameeyey habkii lagu yaqiin qofka daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa qaato uu naftiisa ku tadbiiqiyo dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu markaa Abuubakar dacwadii gaarsiiyey qaar ka mid ahaa saaxiibbadiisii uu ku kalsoonaa, waxaana isla markiiba dacwadiisii ku islaamay shan saxaabi oo Ilaahay diintiisa ku ciseeyey kana mid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyey, waxayna kala ahaayeen:

1. Cusmaan Binu Cafaan
2. Subyr binu Cawaama
3. Cabdiraxmaan binu Cawf
4. Sacad binu abii waqaas
5. Dalxa binu Cubeydillah

Ka dib waxaa ku soo xigsaday oo soo islaamay Bilaal binu Rabaaxa, Abuu Cubeyda Caamir ibnu Jarraax, Abuu Salama binu Cabdilasa, Arqaam ibnu abii Arqam, Cusmaan binu Madcuum iyo laba walaalihiis ah Quddaama iyo Cabdullaahi, Cubeyda binu Xaarith binu Mudhalib, Siciid binu Seyd iyo xaasikiisii Faadumo bintu Khadaab (Cumar binu Khadhaab walaalishiis), Khabaab ibnul-arat, Cabdullaahi binu Mascuud iyo kuwo kale waxaa uuna ibnu Haashim gaarsiiyey illaa 40 qof. Intaasoo dhan waxay ahaayeen dadkii islaamka ugu horreeyey, dabadeedna qof ayaa loo soo gelayey ilaa uu
islaamkii magaaladii Makka ku fidey o lagu sheekeystey.

Odeyaashii qureysheed markii ay maqleen arrinkaas dan kama gelin oo waxay iska dhaadhiciyeen in Maxammed raacay diin ka mid ah diimihii jirey sidii markaa ka horba ay niman qureysh ka mid ahi u raaceen diimihii kale, laakin markay maqleen in dad badani Nabi Maxammed raaceen, maalin walbana ay sii siyaadayaan ayay baraarugeen hase yeeshee tallaabo weyn ma aysan qaadin saddexdii sano ee dacwadu qarsoodiga ahayd.

MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCW

Waxay dacwadii islaamku qarsoodi ku socotaba markii saddex sano la marayo ayaa Allaah Rasuulkiisa SCW amray inuu dacwadiisa muujiyo ummaddana uga digo cadaabka Alle waxaana ka mid ahaa aayadihii soo degay waqtigaas aayaddan.

Wuxuu Allah SW yiri: (U DIG QARAABADAADA KUU SII DHAW). (Suuratu-Shucaraa:214).

Rasuulka SCW markay aayaddani soo degtay wuxuu fuulay buurta Safa wuxuuna yiri: "Waa saabaxaa (waa wareey)", markaas ayaa dadki Makka joogay oo dhan ay soo yaaceen oo meeshii yimaadeen qofkii imaan kari waayeyna qof ayuu soo dirsaday oo ku yiri: "soo eeg wuxuu yahay". Markii meeshii la iskugu yimid ayuu Rasuulka SCW yiri: "ka warrama haddaan idin iraahdo toggaan fardo duullaan idinku ah ayaa soo maraya ma rumaynaysaan", markaasey dheheen "haa been kuguma aannaan baran", markaasuu yiri Rasuulka SCW "waxaan idinkaga digayaa cadaab daran oo idinka horreeya", Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu u yeeray qabiil walba oo qureysh ka mid ah illaa uu ka soo gaarey qabiilkiisii oo uu isna reer ugu sii dhawaaqay ilaa uu kasoo gaaray gabadhiisii Faadumo ahayd oo uu ku yiri "faaduma bintu Maxammedey naftaada ka badbaadi naar anigu Allaah ayaan ku dhaartaye inaanan Alle waxba kaaga tarayn". Sidoo kale muslim waxa uu wariyay in markii ay aayaddaani soo dagtay uu Rasuulku si guud iyo si khaas ahba ugu yeeray (quraysh) wuxuuna yiri qurayshey ka badbaadiya naftiina naar reer baniii kacabow ka badbaadiya naftiina naar. Arrintaas dadkii qureysheed way ka caraysiisey waxayna kicisey buuq magaaladii oo dhanna waa la isla dhex maray. Adeerkiis Abii-lahab oo ka mid ahaa dadkii meesha isugu yimid wuxuu Rasuulka SCW ku yiri: "halaag ha kuu sugnaado maalinta inta ka hartaye ma waxaan baad noo soo kulmisay". Allaah ayaa u jawabey oo ku soo dejiyey Suuratu Tabbad.Wuxuuna Allaah ugu bishaareeyey ninkaas iyo xaaskiisa cadaab daran maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa iyo dintiisa ayey la colleytameen. Ka dib Allaah wuxuu soo dejiyey aayadan.

Wuxuu Allaah SW yiri: (Muuji waxa lagu amrayo, Isagana jeedso Mushrikiinta). (Suuratul-Xijri:94)

Aayaddan waxa uu Allaah Rasuulka ku amray inuu muujiyo xaqa, gaaladana ka jeesto, Rasuulkuna SCW waa uu u qumay meel walbana waxa uu ka caddeeyey shirkiga iyo khuraafaadka ay ku jiraan iyo xumaatada ay asnamtu leedahay iyo iney Allah keliya waxidaan oo Ilaahnim u qiraan.

Odeyaashii qureysheed markey arkeen Maxammed SCW iyo diinta cusub ee uu la yimid iyo inuu khilaafay diintoodii iyo ilaahyadoodii kuna sheegay iney yihiin baadi ayeye olole qaadeen si ay dacwadaas iyo nuurkaas Alle u damin lahaayeen, baaddilka iyo xumaatada ay ku jiraanna u difaaci lahaayeen. Odeyaashii qureysheed tallaabooyinkii ay qaadeen waxaa ka mid ahaa in qaar ka mid ah ay u tageen Abii-dhaalib kuna dheheen "Abii-dhaaliboy, wiilka aad adeerka u tahay ilaahyadadii ayuu caayey, diintayadiina wuu ceebeeyey, waxgaradkayagiina wuxuu ka dhigey maangaab, aabbayaashayona wuu baadiyeeyey, marka ama naga qabo ama isku kaaya daa, adiguna annagaad nala mabda' tahay oo waad is khilaafsan tihiin makra aan kaa kaafino'. Abii-dhaalib wuxuu ugu jawaabay hadal jilicsan", odeyaashina wa laabteen.

Rasuulku SCW isagu waxaas uma jixinjixin dhegna jalaq uma siin wuxuuna gudayey dacwadiisii, maxaa yeelay cid aan Ilaahey aheyn oo uu maqlayaa ma jirto meel walbuuna xaqii kala istaagey. Odeyaashii qureysheed markii ay arkeen in tallaabadii hore ay waxba ku socon waayeen uuna soo dhowaadey waqtigii xajka, waxay bilaabeeen tallaabo kale waxayna isugu yimaadeen shir ay uga hortegayeen Nabiyullaah Maxammed SCW inuusan dacwada gaarsiin dadkaas tirada badan ee xajka u imaanaya waxayna u tageen nin duqowdoodii ka mid ah o la oran jirey Waliid ibnu Muqiira inuu keeno arrinkii Maxammed dadka looga ceyrin lahaa. Waliid wuxuu yiri: "hal arrin isku raaca hana is khilaafinina si aan qarkiin qaarka kale u beenin, si aysan dadku idiin fahmin, maxaa yeelay hadday qaarkiin dhahaan waa saaxir, qaarna dhahaan waa waalan yahay dadku way idin fahmayaan", markaasey dheheen adigu noo go'aami (middii aan isku raaci lahayn) wuxuu yiri: "bal idinku wax keena waan idin dhegaysanayaaye", odeyaashii ayaa warkii bilaabey oo yiri: "waa wax sheege (kaahin)", Waliid wuxuu yir: "Ilaah baan kudhaartaye ma aha kaahin, waana naqaannaa kuhannada iyo wax sheeggooda", waxay dheheen aan dhahno waa waalan yahay" wuxuu yiri "ma waalna, waana naqaannaa waallida iyo isku dhexyaaceeda" waxay dheheen aan dhahno waa saaxir" wuxuu yiri "ma aha saaxir, waana naqaannaa sixirleyda iyo sixirkooda", waxay dheheen aan dhahno waa gabyaa" wuxuu yiri "maaha gabyaa, waana naqaanna gabayga qeybihiisa oo dhan", waxay dheheen "maxaan marka dhahnaa", wuxuu yiri "hadalkiisu waa macaan yahay, wax kastoo aad tiraahdaanna wa la fahmeyaa inaaan waxba ka jirin ee bal muddo i siiya waan k a soo fekerayaaye', muddadii ka dib ayuu soo laabtay wuxuna yiri "saaxir baa ugu whow", taas ayaa markaas la go'aansaday oo la isku raacey. Ninkaas fekerkiisaasna waxa ka hadashey Suuratul-mudathir laga bilaabo aayaddaa 11 ilaa 30.

Ka dib markii go'aankii Waliid la isku raacey waxay bilaabeen sidii ay ku dhaqan gelin lahaayeen waxayna isku qeybiyeen waddooyinkii Makka soo gelayeye si qof walba oo soo mara ay ugu digaan arrinta uu wata Nabiga SCW iyagoo ku sheegaya saaxir. Sidoo kale waxay ka hadlayeen meelihii ay dadka xujeda ihi isugu imaanayey. Dadkii arrimahas aadka uga qeyb qaateyna waxaa ka mid ahaa Abii-lahab oo Nabiga scw adeerkiis ahaa wuxuuna samaynayey ninkaasi intuu Nebiga SCW daba galo ayuu cid kastoo Nabiga SCW u tago oo xaqa gaarsiiyo isagoo ka daba hadlaya ku lahaa "ha u rumeynina waa beenlowe, diintiisii buu ka iishee", qureyshna jidadkii Makka iyo meel walba intey tagaan ayey lahayeen 'iska jira waa saaxir dadkii kala geeyaye" laakiin arrintoodaasi waxay noqotay dacwo oo dad badan oo aan ogeyn Nabi Maxammed SCW dacwada uu wato ayaa ogaadey, cidohoodiina gaarsiiyey Nabiga cusub oo soo baxay.

Qureysh weli ma gaarin iney gacan ula tagaan Nabiga SCWiyo dadkii raacsanaa laakiin waxay ku jireen dacaayad iyo jeesjees iyo in dadka lagu diro oo la yiraahdo iska jira. Sidoo kale waxay mararka qaarkood Rasuulka SCW u soo bandhigayeen fikrado ay ku leeyihiin Ilaahaaga iyo diintaada qaar ka soo tanaasul oo ka soo dabac annaguna qaar baan ka tanaasuleynaaye. Waxay kaloo sameynayeen iney Rasuulka SCW rag u soo diraan oo dhahaan "haddaad madaxtinnimo rabto madax baan kaa dhiganeynaa, haddaad maal rabto waan kuu ururineynaa ilaa aad noqoto kan noogu taajirsan, haddaad jirran tahay maalkayaga ayaannu kugu bixineynaa ilaa aad ka caafimaaddo, haddaad gabar rabto gabdhaha qureysheed tan ugu quruxda badan ayaannu ku siineynaa" hase yeeshee arrimahaas oo dhan lagama yeelin. Ka dib markey arkeen in Nabiyullaahi Maxammed SCW diintiisa iyo dacwadiisa marna ka tanaasuleyn, shirkigooda iyo khuraafaadkoodana uusan ka aamuseyn ayey waxay aad u kordhiyeen dacaayadohoodii kala duwanaa maxaa yeelay Rasuulka SCW gacan ulama aysan tegi karin oo Abii-dhaalib ayey uga baqaayeen. Dacaayadohoodu waxay u qeybsanaayeen dhowr qeybood oo kala ahaa:
1) Rasuulka oo ay ku jeesjeesaan, xaqiraan, caayaan, ku oriyaan, wax kastana dhahaan. Arrimahaasna Allah isagoo tilmaamaya wuxuu ku soo dejiyey aayado kala duwan, waxaana ka mid ah:

((WAXAY DHEHEEN KAN QUR'AANKA LAGU SOO DAJINAYOW ADIGU WAAD WAALAN TAHAY)), (Suuratul-Xijir:6)

Sidoo kale Allaah isagoo inooga warramaya markay muslimiinta ku jeesjeesayaan wuxuu yir:

((KUWII DAMBAABAY WAXA AY AHAAYEEN KUWA KU QOSLA KUWII XAQA RUMEEYEY, HADDAY SOO MARAANA WAY IS QANJARUUFAN JIREEN, MARKAY EHELKOODA U LAABTAANA WAXAY AY LAABAN JIREEN IYAGOO (MUSLKIMIINTA) KU RAAXAYSANAYA, MARKAY MUMINIINTA ARKAANA WAXAY DHAHAAN WAA BAADIYEYSAN YIHIIN, LOOMANA DIRIN IYAGA IN AY (MUSLIMIINTA) ILAALIYAAN))

2. Waxaa ka mid ahaa dacaayadihii iyo been abuurashadii ay Rasuulka iyo qur'aanka ka fidin jireen iney dhahaan "waa been uu abuurtey ama dad kale ayaa soo baray" arrintaasna Allaah oo tilmaamaya wuxuu yiri:

3. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dacaayadihii ay qur'aanka iyo Rasuulka SCW kula dagaallami jireen iyagoo raba iney dadka u tusiyaan inuu Nabigu SCW wato sheekooyinkii ummadihii hore laga soo guuriyey in nin la oran jirey Nadir binu Xaarith uu aadey Faaris uuna soo bartey taariikhdii boqorradii Faaris ka dibna uu Makka ku soo laabtey, wuxuuna ninkaaas samayn jirey markii Rasuulka SCW meel ka istaago oo dadka dacwada gaarsiyo ayuu ka daba hadli jirey oo keeni jirey sheekooyinkaas dhihina jirey "Maxammed igama sheeko qurxoona".

Qureysh markey arkeen ineysan nooc walba oo dacaayad iyo xumaan ah waxba ku qaadi karin ayey waxay bilaabeen wada hadallo ay rabaan iney isugu soo dhowaadaan iyaga iyo Nabiga SCW oo isna xoogaa soo dabco iskana daayo diinta uu ku adag yahay iyana iiney tooda ka soo dabcaan oo meel dhexe la isugu yimaaddo waxna la wada qeybsado. Hase yeeshee Allaah subxaanahu watacaalaa oo had iyo jeer Rasuulka SCW tarbiyeynayey ayaa soo dejiyey aayado uu ku tilmaamayo inaan xaqa iyo baadilku wax wada qeybsan karin iyo inaan xaqu marna tanaasul oggoleyn.

Wuxuu yiri Allaah: ((WAXAAD DHAHDAA GAALOOY, MA CAABUDAYO WAXAAD CAABUDAYSAAN, IDINNA MA CAABUDAYSAAN CIDDA AAN CAABUDAYO, MANA CAABUDIN WAXAAD CAABUDEEN, IDINKUNA MA CAABUDAYSAAN CIDDAAN CAABUDAYO, DIINTIINAAD LEEDIHIIN ANNA DIINTAYDAAN LEEYAHAY)), (Suuratul-Kaafiruun).

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waxyaalahay Rasuulka SCW u soo bandhigi jireen oo ay rabeen in la isugu soo dhowaado in qaar odeyaashoodii ka mid ahaa ay Rasuulka SCWu soo jeediyeen in ilaahiisana sannad la caabudo, kuwoodana sannad la caabudo hase yeeshee Allaah ayaa soo dejiyey jawaabtii loogu jawaabi lahaa ehlu-baadilka.

Wuxuuna yiri: ((WAXAY JECELYIHIIN IN AAD U SOO DABACDO OO AY SOO DABCAAN)), (Suuratu-Qalam: 9)

Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dacwadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii raacayeyna ay marba marka ka dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka mid ahaa odeyaashii qureysheed waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab, waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo asxaabtiisa lagula dhaqmi lahaa. Abii-lahab iyo ragiisii waxay soo go'aamiyeen in dadka Maxammed raacey gacan loola tago oo la ciqaabo. Dhibkii gacanta ayaana halkaas ka bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu geystey Nabiga SCW iyo asxaabtiisa haba u sii darnaadeen dadkii masaakiinta ahaa ee qabiilka yar ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay sida Bilaal, Suheyb iyo reer aala Yuusir iwm. Nabiga SCW isaga dhib badan oo loo geysan lahaa waxaa looga baqayeey adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka laftooda oo uu sumcad weyn ku lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula tago, hasa yeeshee sidaas oo ay tahay haddana dhib wayn ayaa ku dhacayey.

Dadkii dhibka Nabiga SCW ugu darnaa waxaa ka mid ahaa adeerkiis Abii-lahab oo aan soo marnay dadka kulmiyey Rasuulka SCW inuuku yiri "halaag ha kuu sugnaadee ma waxan baad noo soo kulmisey". Sidoo kale laba wiil oo uu Abii-lahab dhalay lana kala oran jirey Cutba iyo Cuteybaa waxay kala qabeen laba gabdhood oo Nabiga SCW uu dhalay kuwaas oo kala ahaa Ruqiya iyo Ummu-kalthum sidaan soo sheegnayba Abii-lahab oo Nabiga SCW ku colaadinaya wuxuu amray labadiisii wiil inay gabdhaha Rasuulka scw furaan, iyaguna way ka yeeleen. Waxaa kale oo ay siiradu werisey in markuu dhintey wiilkii Nabiga SCW ee Cabdullaahi ahaa uu Abii-lahab u tegay odeyaal qureysheed oo meel fadhiya kuna yiri: "bishaareysta Maxammed wiilkii ayaa ka dhintey oo waa abtar (gablan)". Dhibkaas Abii-lahab keligiis ma maamuli jirin ee reerkiisa oo dhan ayaa ka qeyb qaadan jirey oo sida la ogsoon yahay haweentii Abii-lahab oo la oran jirey Ummu Jamiil binu Xarbin waxay ahayd mid qodxaha dhigta dariiqa Rasuulka SCW isla markaasna aflagaaddo u geysata Nabiga SCW. Ummu Jamiil waxa ahayd haeen aad u carrab dheer oo dhib badan, markii ay soo degtay suuratu Lahab oo ilaahay iyada iyo ninkeeda cadaab ugu bishaareeyay, dhagax ayaey soo qaadatey waxayna u timid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo kacbada wada fadhiya iyadoo rabta iney dhagaxa Rasuulka SCW ku dhufato. Hase yeeshee Ilaahay wuu ka indha saabay Rasuulka SCW oo Abuubakar keliya ayey indheheedu qabteen markaas ayey ku tiri: "meeyey Maxammed waatuu hadda kula fadhiyaye, waana maqlay inuu i caayey ee haddaan arki lahaa dhagaxan ayaan ku dhufan lahaa", intaas keliya kuma harine waxay tirisay gabay yar oo leedahay "Mudamamaan waan caasinney amarkiisana waan diidney diintiisana waan nacney". mudamaman waxay ula jeeday Maxammed oo ay si khalad ah ugu dhawaaqaysay Allaah ayaana ka dhawray magaca Rasuulka caydeedii; Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya sida Alle uga dhawray cayda nacaladda qureysh waxay caayayaan oo nacaladayaan mudamam maxamed ayaan ahay.

Sidoo kale dadkii Rasuulka aad u dhibi jirey waxaa ka mid ahaa Xakam ibnu Abil-Caas, Cuqba ibnu abii Muceydh, Cadiyyi ibnu Xamraa iyo kuwo kale. Dadkaasi waxay Rasuulka SCW ku dhibi jireen xitaa gurigiisa; maxaa yeelay qaar ka mid ah ayaa Rasuulka SCW deris la ahaa. Ibnu Isxaaq wuxuu weriyey Xakam ibnu Abil-Caas maahane intoodii kale inaan midna ka islaamin. waxaana ugu xumaa Cuqba ibnu Muceydh.

Waxa uu Bukhaari ka werirey Cabdullaahi ibnu Mascuud in maalin odeyaashii qureysh oo Abii Jahal madax u yahay kacbdana fadhiya ay arkeen Nabiga SCW oo kacbada ku tukanaya. Markaasay dheheen "yaa noo keenaya mandheerta geela reer hebel oo Maxammed markuu sujuudo dhabarka ka saaraya", waxaa si halhaleel ah u boodey Cuqba ibnu abii Muceydh, mandheertii ayuu keenay markaasuu sugey ilaa uu Rasuulka SCW ka sujuuday. Markuu Rasuulku SCW wejiga dhulka la helya ayuu garbaha ka saarey mandheertii. Abii-jahal iyo raggiisii markey arkeen qosol ayey iskula daateen, Rasuulkuna SCW sujuuddiisii ayuu iska sii watay. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri: "arrinkaas waan u jeeday hase yeeshee far ma dhaqaajin karin", sidaa darteed waxaa timid Nabiga SCW gabadhiisii Faadumo oo k qaadday mandheertii iyagiina cayday. Rasuulka SCW markuu salaaddii dhammaystey ayuu Ilaahay baryey oo yiri saddex jeer "Allow qureysh qabo", dabadeedna mid mid ayuu u magacaabay raggii goobta joogay yiri: "Allow qabo Abii-Jahal. Cutba ibnu abii Rabbiica, Sheyba ibnu abii Rabbiica, Waliid ibnu Cutba, Ummaya binu Khalaf, Cuqba ibnu abii Muceydh", markaasey naxeen maxaa yeelay waxay rumeysnaayeeen ducada xaramku ay mustajaabo tahay. Cabdullaahi ibnu Mascuud wuxuu yiri "waxay ahaayeen toddoba, waxaana arkay toddobadoodii oo goobtii Badar la dhigay oo lagu guray ceelkii lagu gurayey meydkii gaalada", Cuqba ibnu Abii Muceydh (oo asna ka mid ahaa dadkii bader lagu qafaashey oo dhex lagu dilay) maahane. Sidoo kale waxaa Muslim weriyey in maalin Abuu-Jahal dadkii ku yiri "weli ma dhexdiinnaa Maxammed wejigiisa ciidda ku camcaminayaa" markaasey dheheen "haa", wuxuu yir "Laata iyo Cussa ayaan ku dhaartaye haddaan arko isagoo wejiga dhlka ku camcaminaya inaan qoorta uga istaagayaa oo wejigiisa si fiican u booreynayaa". Maalin dambe ayuu markaa arkay Nabiga SCW oo kutanaya, markaasuu ku soo dhaqaaqay si uu go'aankiisii u fuliyo, markuu ku dhaqaaqay ayaa dadkii arkeen isagoo gadaal gadaal u soo bodey oo gacmaha taagaya. Markaasay dheheen: "maxaa kugu dhacay", wuxuu yiri "god naar ah ayaa dhexdayada ka samaysmay". Nabiga SCW markii arrintaa la weydiiyey wuxuu yiri "haddii uu ii soo dhowaan lahaa malaa'igta yaa xubin xubin u kala dafi lahayd".

Allaahna isagoo ninkaas ficilkiisa tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri: ((ARRINKU SAAS MA AHANE DADKU (GAALADU) WAA XAD GUDBEEN, MARKUU ISKU ARKAY (GAALKANI) QANINIMO, RABBIGAA XAGIISAASE LOO NOQON, KA WARRAN MIDKA KA REEBAYA ADDOON (RABBIGIIS) U TUKANAYA, KA WARRAN HADDUU HANUUN KU SUGAN YAHAY (KAN LAGA REEBAYO) AMA UU AMRAYO TAQWO, KA WARRAN HADDUU (KAN WAX REEBAYAA UU ALLE) BEENIYEY OO KA JEESTAY (XAQII), MA WUUXAN OGAYN IN ALLE ARKAYO)), (Suuratul-Calaaq: 6-14)

Ka dib Abii-Jahal waxa uu yimid Rasuulka SCWwuxuuna ku yiri: "ma waanan kaa reebin arrinkaan? markaasaa Rasuulka SCW si adag ula hadlay isagan dhaqaaqay markaasuu Abii-Jahal ku yiri Nabiga: "waad ogtahay inaysan jirin cid iga gurmad badan: Allaah ayaa ninkaas u jawaabay waxa uuna qur'aankiisa ku yir:

((ARRINKU SAAS MA AHANE HADDUUUSAN JOOGIN WAXAANNU QABAN FOODDA, FOOD BEENTEEY AH OO GAF BADAN, HA U YEERTO (MARKAAS) GARGAARIHIISA, WAXAANUNA (UGU) YEERIN MALAA'IKTA SABAANIYA, ARRINKU SAAS MA AHANE HE MAQLIN (RABBIGAANA U) SUJUUD UNA DHAWOW)), (Suuratul-Claaq: 15-19).

Rasuulka SCW markii ay quraysh beenisay oo ay aad ula colaytantay si xunna ula dhaqantay Ayuu Ilaahay uga baryay in uu abaar ku rido wuxuuna yiri: "Allahayow iigu kaalmee in toddoba (sano oo abaar ah) oo toddobadii (nabi) Yuusuf oo kale ah ay dushooda ahaato: Alle waa uu ka aqbalay Nabigiisa baryadii wuxuuna quraysh ku riday abaar, markii abaartii haleeshay oo ay hal sano hasyay oo ay cirkii waxaan qiic iyo hunri ahayn ka waayeen aadna u rafaadeen ilaa ay bakhtiga ayo hargaha ka cuneen, ayaa Abii Sufyaan Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri: "waxaad amraysaa hoggaansamidda Alle iyo in riximka la xiriiriyo, tolkaana way halaagsamayaan marka Alle u bar". Waxayna sheegeen (Quraysh) in haddii Alle ka qaado (abaarta) ay mu'miniiin noqonayaan markaasaa Rasuulka SCW Alle u baryey Allena waa ka aqbalay oo Quraysh dhibkii waa ka feydey, hase yeeshee kufrigoodii iyo gaalnimadoodii ayey sii wateen, ballantiina way ka baxeen. Allen isagoo arrinkaas tilmaamaya waxa uu yiri:

((SUG MAALINTA CIRKA LA IMAAN QIIQ CAD, OO DABOOLAYA DADKA KAASOO AH CADAAB DARAN, (WAXAY DHEHEEN) RABBIYOW NAGA FAYD CADAABKA WAXAAN NAHAY MUMINIINE, GOORMAY WAANTOOBIN, WAXA U YIMID RASUUL AY (RASUULNIMADIISU) CADDAHAY, MARKAASAY KA JEESTEEN ISAGII AYNA DHEHEEN WAA WAX LABBARE WAALAN)), (Suuratu-Dukhaan: 10-14).

DHIBAATOOYINKII ASAXAABTA LAGU HAYEY

Kufaartii qureysh markay maqlaan qof maal ama magac leh ama qabiil xoog leh ka dhashay ayaa islaamay waxay sameyn jireen iney canaantaan, caayaan oo ku diraan eheladiisa, inta badanna gacanta ulama aysan tegi jirin. Hase yeeshee markay maqlaan waxaa islaamay qof aan qabiil xoog leh ka dhalan ama addoon ah ama cid difaacaysa aysan jirin aad ayeey u ciqaabi jireen dhibaatooyin xunxunna wey u geysan jireen. Dadkii sidaa oo kale ahaa oo aadka loo ciqabay waxaa ka mid ahaa Bilaal, Cammaar binu Yaasir iyo aabbihiis Yaasir iyo hooyadiis Sumaya, Nahdiya iyo gabadheedii Ummu Cumeyr, Khabaab, Muscab ibnu Cumeyr iyo kuwo kaleba.

Bilaal wuxuu addoon u ahaa oo ciqaabi jirey Ummaya ibnu Khalaf. Siduu u ciqaabi jireyna waxay ahayd intuu xarig qoorta ka geliyo ayuuu ku jiidi jirey ama qorrax kuleylka duhurkii intuu seexiyo oo dhagax weyn xabadka kasaaro ayuu dhihi jirey "ama waad dhiman ama Maxammed baad ku kufrin". Bilaal wuxuu ku dhihi jirey "AXAD" oo uu ula jeedo Ilaah keliya baan rumays nahay oo aan caabudayaa, dhib kasto loo geystana wax kale afkiisa waa soo mari waayeen. Maalinkii dambe ayaa isagoo sidii loo cadaabayo waxaa soo maray Abuubakar Al-siddiiq, markaasuu ku yiri ninkii ciqaabayey: "maad Ilaahay uga baqdid ninkaan miskiinka ah", markaasuu yiri: "wax u qabo adigaa diintiisii ka fasahaadiyee', markaasuu Abuubakar yiri: "waxaan ku siinayaa addoon aniga ii jooga oo aad isku diin tihiin, kanna waan xoreynayaa", sidaas ayuuna ku xoreerey Bilaal. Markuu Abuubakar xoreeyey Bilaal waxaa suuqa loo geliyey inuu axsaan hore ka dhexeeyey (labadooda) hase yeeshee Allaah ayaa difaacey oo u jawaabey dadkii waxaa ku hadlayey. Wuxuuna ku soo dejiyey aayadahan:

Wuxuu Alle SW yiri: ((Waxaa ka fogaada (naarta) kan cabsada, waa kii bixiyey maalkiisa si uu isu dahiriyo, ruux wax siiyey ee u u gudayana ma jirin ee wuxuu u bixiyey Rabbiga sarreeya dartii, dib dambuuna u ralli noqon doonaa)), (Suuratul- layl 17-21).

Sidoo kale Cammaar ibnu Yaasir iyo Aabbihiis Yaasir iyo Hooyadiis Summaya, oo ka mid ahaa dadkii dhibaatooyinka dardaran loo geystey, ayaa maalin iyadoo la ciqaabayo waxaa soo maray Nabiga SCW markaasuu ku yiri: "sabra reer Yaasirow, mowcidkiinnu waa jannee", Odeygii Yaasir iyo habartii Sumayaba waxay u dhinteen ciqaabkaas oo weliba habarta waxaa gacantiisa ku diley Abii-jahal oo iyadoo la ciqaabayo ayuu waran farjiga uga dhuftay halkaas oo ay ku naf baxday kuna noqotay qofkii u horreeyey ee ummaddaan Nabi Maxammed SCW Alle dartiis loo dilo. Willkoodii Cammaarna intay aad u ciqaabeen ayey ku dheheen "hadaad Maxammed caydid, Ilaahyadayada Laata iyo Cussana ammaantid waan ku sii deyneynaa markii uu xanuunkii ka batay ayuu sameeyey siday ku dirqiyeen, ka dib markay sii daayeen ayuu Nabiga SCW u tegey una sheegay waxay ku dirqiyeen, Allaah ayaa markaas soo dejiyey aayaddaan:

Alle SW wuxu yiri: ((WAXAA ABUURTAY BEEN KUWA AAN RUMAYN AAYAADKA ALLE, KUWAASI WAA BEENALAYAAL, KUWA ALLE KU KUFRIYEY IIMAANKOODII KA DIB (WAA HLAAGSAMEEN), RUUX LAGU KHASBAY QALBIGIISUNA KU XASILAN YAHAY IIMAANKA MOOYEE, RUUXIISE XABADKIISU U WAASIC NOQDO GAALNIMADA WAXAA KORKOODA AHAADAY CARO XAGGA ALLE KA AHATAY, WAXAYNA LEEYIHIIN CADAAB WAYN)), (Suuratu-Naxli 105-106).

Sidoo kale dadkii la ciqaabi jirey waxaa ka mid ahaa Sumayra, Nahdiya iyo gabdheedii Ummu Cumeyr oo wada ahaa addoomo dad gacantood ku jirey, hase yeeshee waxaa wada xoreeyey Abuubakar Al-sidiiq. Markuu Abuubakar dadkaas xoreeyey ayaa aabbihiis abu-quxaafa oo aan weli islaamin ku yiri: "Maandhow maad xoolahaaga ku bixisid dad xoog leh oo ku difaaci kara hadhow intaad dad ducafa ah ku bixineysid, hase yeeshee Abuubakar waxa uu caddeeyey in uu arrinkaas Alle dartiis ula jeedo.

Sidaan soo sheegnay Muscab ibnu Cumeyr oo ku jirey dadkii aadka loo ciqaabay oo ay dhashay islaan maalqabeen ah, ahaana nin dhallinyaro ah oo qurxoon oo aad u xarrago badan, maalinba dhar nooc ah qaata, kana tilmaannaa Makka. Muscab markay hooyadiis maqashey inuu islaamay ayey xabbistay oo cuntadii u diiddey aadna u cadaadisay hase yeeshee markay intaas oo dhan wax uga qaadi weydey ayey dayrisay, ka dibna waxaa u dambeysey inuu rafaado oo uu jirkiisii jilif yeesho, wuxuuna ku jrey dadkii u hijrooday Xabashida. Markuu xabashida ka soo laabteyna waxaa Rasuulku SCW dacwo ahaan ugu direy Madiina halkaas oo uu muddo yar ka dib dacwadii wada gaarsiiyey guryihii reer Madiina kuna noqday macallinkii reer Madiina.

Sidoo kale Khabaab wuxuu isna ka mid ahaa dadkii ay gaaladu dhibka ku hayeen ilaa uu maalin u tegay Rasuulka SCW oo Kacbada hooskeeda jooga isagoo doonaya in uu Ilaahay u baryo si dhibka looga fududeeyo wuxuuna ku yiri Rasuulkii Allow maad Alle noo baridid, markaasaa Rasuulku SCW fariistay oo ku yiri: waxay ahaayeen dadkii idinka horreeyey (muminiinta ahaa) kuwo loogu shanleeyo hilibka iyo lafta dhexdooda shanlo bira, arrinkaasna kamana kala dhambali jirey, kamana reebi jirin diintooda, Allena wuu taamyeelin isagoo Alle maahee aan cid kale ka baqayn, sidoo kale waxa uu Khabaab shaqo u qabtay Caas binu Waa'it oo ka mid ahaa kufaartii Quraysheed, markaasaa Khabaab ku yeeshay xoolo markaasuu u tegay oo ku yiri: "isii waxaygii hase yeeshee Caas waa diiday wuxuuna yiri, ku siin mahayo ilaa aad Maxamed ku kufridid. Khabaabna waxa uu guu jawaabay ku kufrin maayee ilaa aad ka dhimato oo misna lagu soo bixiyo, Caas wuxuu yiri: "ma intaan dhintaa qiyaamaha la i soo saarayaa,? Khabaab ayaa ugu jawaabay "haa," waxa uu yiri: "halkaasna waxa aan helayaa maal iyo ilmo oo markaasaan kuu gudayaa. Allena isagoo ninkaas ficilkiisa iyo waxa la midka ah tilmamaya waxa uu Qur'aankiisa ku yiri:

((KA WARRAN KAN KU KUFRIYEY AAYAADKAYAGII OO YIRI(AAKHIRO) LA I SIINAYAA MAAL IYO CARRUUR, MA WUXUU DAALACDAY QAYBKA, MISE ALLAHA RAXMAANKA AH AGTIISA AYUU BALLAN KA YEESHAY, SAAS ARRINKU MA AHANE WANNU QORIN WUXUU LEEYAHAY, WAXAANA U FIDINAYNAA CADAABKA FIDIN, WAAN DHAXLAYNAA WAXA UU SHEEGANAYO (EE UU KU FAANAYO) WUXUUNA NOO IMAANAYAA ISAGA OO KALIGIIS AH)), (Suuratu-Maryam 77-80).

Dhibaatooyinkaas aan soo tilmaannay oo isugu j