Pro Jawaari oo Xildhibanada Barlamaanka Digniin u jeediyayay;-23/06/2013

Gudoomiayaha Barlamaanka Soomaaliya Pro Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlayay kalfadhiga 36-aad barlamaanka Soomaaliya ayaa Sheegay in Mudanyaasha barlamaanka ay cadeysteen ineey ka soo daahaan kalfadhiyada qarkoodna ay ka maqnaadaan kalfadhiyada Barlamaanka.

Jawaari wuxuu sheegay in aan loo dulqaadan doono Xildhibaankii ka soo daaha kalfadhiga barlamaanka waqtiga loogu tala galay xildhibaankii maqnada ay la xisaabtami doonaan.

Pro Jawaari ayaa digniin u diray Barlamaanka isagoobna kula dardaarmay iney waqtiga ilaaliyaan xildhibaankii ilalin waayana ay sharciga la tiigsan doonaan.

Hadalka Jawaari ayaa ku so beegmaya xili Mudanayasha barlamaanka qaarkood aysan qeyb galay kalfadhiyada Barlamaanka Soomaaliya.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 390

Email: info@wadaninews.net

www.wadaninews.net